Islamabad (Araweelo News Network) Afhayeen u hadlay Daalibaan ayaa xaqiijayay in weerar dhinaca cirka ah lagu dilay Hogaamiyihii Ururka Dalibaan ee Pakistaan
Sheekh Xakiimullaah Maxsuud, kaas oo ku dhintay maanta weerar diyaaradaha Maraykanka ee Droneska ee aan duuliyaha lahayn ku qaadeen guri uu deganaa oo ku yaal gudaha dalka Pakistaan.
Hoggaamiyaha Daalibaan ayaa dhawaan wareysi uu siiyay Telefeshinka BBC-da wuxuuna ku sheegay in Ururkiisu diyaar u yahay wadahadal uu lagalo dowladda Pakistan haddii ay ajiibto shuruudo ay ku xidheen wada hadalkaa, balse dilka hogaamiyaha Daalibaan ayaa u muuqda mid sii fogayna in Daalibaan wada hadal la galaan dawlada Pakistaan.
Sidoo kale Dilka hogaamiyaha Daalibaan ayaa dhabarjab ku naqan ah dadaallo ay xukuumadda Pakistan ku doonaysay in ay Mareykanka kaga dhaadhiciso joojinta duqeymaha diyaaradaha Drensku ku dilaan duqaymaha muwaadiniinta Pakistan.
Xakiimullaah waa Hoggaamiyihii labaad ee Ururka Daalibaan ee Pakistan duqeyn lagaga dilay, iyadoo Sheekh Beytullaahi Maxsuud oo larumeysanyahay in uu ahaa aas-aasihii Daalibaanka Pakistaan sidan oo kale duqayn lagu dilo.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com