Raama-Cadeey(Araweelo News Network) Ommar Shafik Hammami oo ku magacdheeraa Abu Mansoor Al Ameriki, isla markaana ka mid ahaa Hogaamiyayaasha sare

 

ee Al-shabaab oo ka tirsan Ururweynaha Al-Qa’ida   ayaa la dilay habeen hore Salaasadii. Kadib markii Koox dablay ah ay weerareen duleedka Raama-Cadeey ee Koonfurta Somalia.

Sida uu sheegay Fu’aad Maxamed Shangole oo ka mid ah saraakiisha sare ee Al-Shabaab, waxaa Caawa(Xalay)  lagu dilay tuulo u dhow deegaanka Raama-caddey Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-amriiki oo horay ugu badbaaday weerar lagu qaaday todobaadkii hore.

Fu’aad Shangole waxa uu sidaa ka sheegay  Muxaadaro ka jeedinayay xalay masjid ku yaal degmada Buurlo Berde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay toogteen agagaarka tuulada Raama Caddey, weerarkaasi oo uu ku tilmaamay  in uu ahaa mid gaadmo ah oo ay geysteen kooxo uu ku sifeeyay murtidiin ka baxay diinta.

Fu’aad Shangole  wuxuu sheegay in mudooyinkan ay kooxo ka tirsan Shabaab ay qorsheynayeen in ay shirqool ku dilaan Abuu Mansuur Al-Amriiki oo isaga kasoo horjeeday fikradaha Amiirka Al-Shabaab Axmad Godane

Todobaadyo ka hor ayey aheyd markii uu Abuu Mansuur uu barta Twitterka uu soo dhigay sawirro muujinayay dhaawac kasoo gaaray weerar lagu doonayay in lagu dilo, isagoo ku eedeeyay weerarkaasi inuu ka danbeeyay Hoggaamiyaha Shabaab Axmad Cabdi Godane.

Sidoo kale weerarkaasi markii uu dhacay kadib ayaa xubnaha ugu sareeya Shabaab sida Ibraahim Afghan, Xasan Dahir Shekh Mukhtar Roobow Abuu Mansuur iyo rag kale ay soo saareen qoraal ay ku eedeynayeen Amiirka Shabaab in weecinaayo wax ay ku sheegeen jihaadka ka socda Soomaaliya, isla markaana uu amray in la dilo mujaahidiinta ajaaniibta ee ka barbar dagaalanta Al- Shabaab, cabashadasi oo Al-qaacida loo diray.

Ommar  Hammami oo loo yaqaan Abuu Mansuur ayaa Dowladda Mareykanka waxay madaxiisa dul dhigtay  dhowaan Shan milyan oo dollar, iyadoo aan markii hore lagu darin Liiska Hogaamiyayaasha sare ee Al-shabaab.
Maaha markii u horaysay ee Al- ameeri la sheego in la dilay, balse sanadkii hore ayay soo baxeen warar sheegaya in la khaarajiyay kadib markii uu Bogga uu ku leeyahay Twitterka ku baahiyay in Al-shabaab ay naftiisa halis gelisay, balse mudo ka dib ayaa la arkay mar kale Al-ameriki oo nool. Laakiin dhawaaqii u danbeeyay ee uu kusoo bandhigo Bogga uu ku leeyahay Twitterka waxa uu soo dhigay sawirkiisa oo dhaawac ka muuqdo dhegta dabadeeda, isla markaana dhiig ka dayo, isagoo sheegay in Amiirka Al-shabaab isaga iyo raga kale ee la socda doonayo inuu dilo oo uu abuuro dagaal sokeeye.

Halkan ka akhri Qoraalo hore oo A-ameriki iyo saaxiibadii  la xidhiidha

Shakiga Soo Kala Dhexgalay Ninka Maraykanka Ee Magacyada Badan Omar Shafik Hammami (Al-Ameriki ) Iyo Al-shabaab Oo Abuuray Dareen Cabsiyeed


Published Sunday, 18 March 2012 22:01

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *