bre1Hargeysa(Araweelo News Network) Maamulxumo iyo Musuq-maasuq soo waajahay Madbacadda Qaranka ayaa sababtay in qaab sharcidaro ah loo daabacdo

 

Buugaga xisaabaadka ee lagu qaado lacagta Cashuuraha, kuwaas oo si tuugo ah loo geliyay suuqa madaw.

 

Sida ay shebekadda wararka ee Arraweelo.com u sheegeen warar la xidhiidha arrimaha musuq-maasuq iyo fadeexadaha maamulxumo ee ka dhacay Madbacadda Qaranka oo ah goob xaasaasi ah, ayaa soo baxay kadib markii Salaasadii Todobaadkan la ogaaday in ay jiraan Buugag xisaabeed si Tuugo ah looga daabacday Madbacadda iyo kuwo la xaday oo suuqa madaw la geliyay si loogu lunsado dhaqaale maaliyadeed iyo lacago cashuur ah.

Hase yeeshee sida ay xoggaha la xidhiidha arrimahaa iyo tibaaxaha shebekadda Arraweelo heshay sheegayaan waxa la qabtay Buugag badan oo ka mid ah kuwa sida khaldan looga xaday Madbacadda, kuwaas oo qaarkood laga soo qabtay Tuulada Kalabaydh, balse lama ogga in Buugaagta gacanta lagu wada dhigay iyo kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in arrintaa lagu eedeeyay qaar ka mid ah Shaqaalaha, iyadoo baadhitaan lagu bilaabay shaqaalaha ka hawlgala Madbacadda markii ay soo baxeen fadeexadaha musuq-maasuq, isla markaana qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha ayaa xabsiga loo taxaabay  si ay Ciidanka Booliska ee Baadhista Denbiyadu su’aalo u weydiiyaan.

Dhinaca kale Maareeyaha Madbacadda oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino arrintaa iyo sababta keentay, ayaanay noo suurta gelin marar kala duwan oo aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno.

Madbacadda qaranka ayaa leh Maareeye iyo Maareeye xigeen, iyadoo maamul ahaan hoostagta Madaxtooyadda Somaliland, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay Maareeye Axmed Maxamed Jaamac (Carey) horaantii 2012. Kadib markii Maareeyihii hore ee loo magcaabay Wasiirka Ciyaaraha, kaas oo mudadii uu xilka hayay Madbacaddu kasoo kabatay dhibaatooyin geyeysiin gaadhay in albaabada loo xidho xiligii Xukuumaddii Daahir Rayaale.

Wuxuuna Maareeyaha cusub ku wareejiyay Agab ay leedahay Madbacaddu iyo weliba lacag adag iyo Kaash ku jirtay xisaabaadka Dahabshiil Iyo Baanka Somaliland ay ku leedahay Madbacadda Qaranku, iyadoo Madaxtooyadduna lacago kale ugu deeqday, isla markaana Madaxweyne Siilaanyo Digreeto ku soo saaray in dhamaan Hay’addaha iyo Wasaaraddaha Dawladu wixii daabacaad ah aanay geyn meel kale ee ay ka daabacdaan Madbacadda qaranka.

Hase yeeshee Mudooyinkii u danbeeyay waxa soo baxay dhaliilo dhinaca maamulka iyo musuq-maasuq isa soo tarayay oo lala xidhiidhiyay maamulxumo soo waajahday Madbacadda Qaranka, taas oo sababtay fadeexadaha soo baxay ee tuugada iyo wax is dabamarinta ee lasoo deristay Madabacadda.

Madxacadda Qaranka ayaa  ah goob xaasaasi ah, iyadoo ay Hay’addaha dawladu ka daabacdaan dhamaan Buugaagta Xisaabaadka iyo Maaliyadda ee loo adeegsado shatiyada cashuuraha iyo Takaaliifta, kuwaas oo u baahan xafidaad iyo in maamulka gacanta ku hayaa qaadi karo masuuliyadda iyo waajibaadka hawsha uu qaranka u hayo, taas oo dayaceedu sabab u noqon karo dhacdooyinka noocan ah iyo kuwo kale oo saamayn ku yeelankara Ilaha dakhliga dalka.
Xiggasho Arraweelo.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *