Muqdisho(ANN)-Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaan ee ka Dagaalama Magaalada Muqdisho Sh.  Xasan Daahir Aweys  ayaa ugu baaqay kooxaha wadaadada ee firqooyinka ka dagaalama Somalia inay midoobaan si ay isaga caabiyaan ciidamadda Ajaanibka iyo dawlada taagta daran ee kasoo horjeeda. Wuxuuna dagaalka maalmihii u danbeeyay ka socday halkaa ku tilmaamay mid keeni kara xal, balse loo baahanyahay in laysu yimaado oo la keeno nidaamkii lagu dhaqmi lahaa

 

 

 

Sh. Aways waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyay maanta kulan mudo sadex maalmood ah uga socday  magaalada Muqdisho xubno  iskugu jira Culumaa’u diin Ganacsato iyo Odayaasha dhaqanka, kaas  oo ahaa  Aqoon isweydaarsi ay soo qabanqaabisey Hay ‘ada Camalka Islaamiga ah, iyadoo kulankaa lagaga  hadalyey sidii looga qeyb qaadan lahaa dejinta iyo xaalada amaanka ee Soomalia .

Sheekh  Xasan Daahir Aweys ayaa ku tilmaamay ciidamadda shisheeye ee Midawga Afrika oo ku sugan Muqdisho kuwo sida xanuuno, isagoo yidhi,  “Ciimada AMISOM waa Bakteeriyo, ama cudur sidayaal, waxaana fiican in la iska kaashado oo meel looga soo wada  jeesto,  si isku midana loola dagaalamo. Ka dibna  la dhisto wax raali laykaga  yahay  oo waafaqsan Diinta Islamka” .

Sidoo kale waxaa uu shegay inay dhinacooda diyaar u yihiin sidii meel looga soo wada jeesaan lahaa dagaalka hada ka socda magaalada Muqdisho  iyadoo aan la iska dhigeyn in cid ay tidhaahdo “Teyda oo kaliya hala raaco sida hogaamiye Kooxeedyadii oo kale,  balse si isku mida oo talo ku jirto loola dagalamo cadowga dalka jooga ” isgoo arintaa ku tilmaamay ta keliya ee keeni karta in sida ugu wanaagsan.loo waajaho kuwa kasoo horjeeda

Baaqa Xasan  Daahir Aways  ayaa ku soo beegmay waqti  ay jiraan dagaalo maalmihii u danbeeyay ka socday Magaalada Muqdisho, kuwaas   oo u dhexeeya ciidamada dowlada Sh. Shariif ee taagta daran  ee ay Ciidamadda  AMISOM, difaacaan iyo waliba kooxda Ahlu sunah wal jameeca sheegta , iyadoo xulufadaa oo dhami dagaal kula jiraan Ururkiisa Xusbul Islam iyo kooxda All Shabaab.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya inay kooxda Al-shabaab hawlgal ka fuliyeen gudaha xuduuda ay dalka Kenya la wadaagto Somalia, halkaas oo ay kasoo kaxaysteen ilaa sadex qof, isla markaana ay dhaawac u geysteen dhawr  qof oo kale, balse ma jiraan warar madaxbanaan oo sheegaya ujeedada hawlgalkaa iyo tirada saxda ah ee khasaaraha soo gaadhay dadka deegaanka. Iyadoo wararku intaa ku dareen inay goobtaa oo u dhow deegaanka Afmadaw ay ciidamadda Kenya yimaadeen waxyar ka dib markii ay kooxda Al-shabaab ka baxday halkaa.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office  

E-mail; Info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *