Badhasaabka Hargeysa Photo File

 

Hargeysa(ANN)-Badhasaabka gobolka Hargeysa ee Maroodi Jeex

 

 Maxamed Cabdi Daa’uud, ayaa maalmihii u danbeeyay u tafaxaytay Olole ka dhan ah hawlaha Komishanka ee natiijada Kaadhadhka ee aan weli soo bixin iyo qorshaha Komishanka doorashooyinka qaranku u asteeyeen inay shacbiga Somaliland codbixinta ugu dareeraan 26 Juun 2010.

 

 

Maaha markii ugu horaysay ee Badhasaabku dhaleecayn iyo Aflagaado qaawan ku weeraro komishanka qaranka iyo hawlaha ay wadaan ee bedelaada kaadhadhka, tan iyo markii dalka laga bilaabay hawsha bedelaada Kaadhadhka, taas  oo dhowaan todobadii maalmood ee hawshaa laga waday in ka badan 1200 (kun iyo Laba boqol) oo goobood oo dalka oo dhan ah lasoo gebagebeeyay. Kadib markii lagu guulaystay ee ay si naabadgelyo ah u dhamaatay.

 

Badhasaabka Hargeysa Photo File

 Haseyeeshee  Badhasaabka Hargeysa Maxamed  Cabdi Daa’uud oo maalintii Isniintii todobaadkii hore mar uu ka hadlayay Telefishanka Qaranka  si qaawan komishanka ugula dul kufay eedo aan waxba ka jirin, balse ujeedada laga leeyahay qayb ka ahayd   qorshayaashii la doonayay in lagu manja xaabiyo hawshaa ayaa mar kale ku celiyay eedaymaha iyo dhaleecaynta qaawan ee Qorshaha bedelaada Kaadhadhka iyo mudada ay komishanku u asteeyeen codbixinta doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa.

Wuxuuna eedaymaha  iyo canbaaraynta ku celiyay mar kale maalintii khamiistii todobaadkii ina dhaafay, isagoo ku beegay xili ay gebagebo yihiin mudadii Tobanka maalmood ahayd ee Komishaanka qaranku dib uga bilaabeen Kaadhadhka goobaha heer Degmo ee Dalka.

Dhawaaqa uu mar kale Badhasaabka Hargeysa ku dhaleecaynayo Komishanka iyo hawlaha ay wadaan ayaa u muuqda mid ka dhashay Ka dib markii ay shacbigu dhegaha ka furaysteen talaabooyinkii iyo abaabuladii ay isaga iyo wasiiro ka mid ah kooxda xukuumada Rayaale  taageerada ugu raadinayeen in la lagu fashiliyo  hawsha qaranka ee bedelaada Kaadhadhka iyo mudada loo cayimay doorashada.

 Maalmihii ina dhaafaay ayay koox Odayaal ah oo ka mid ahaa kooxihii loo abaabulay inay carqaladeeyaan hawlaha bedelaada Kaadhadhku weji gabax kala kulmeen xubnaha Komishanka Qaranka, waxaana la rumaysanyahay in dhawaaqa danbe ee isla todobaadka  gudihiisa uu ku dhaleeceeyay Badhasaabku  komishnka doorashooyinka iyo hawsha bedelaada Kaadhadhku ka dhalatay  jaawaabtii Komishanku u dhiibeen kooxdaa Odayaasha ah.

Hase yeeshe Badhasaabka iyo Kooxda ay Ololaha  ku wada jiraan, waxay u muuqdaan kuwo xaqiiqda ka fog oo baalmarsan rayalcaamka bulshada Somaliland ee doonaya inay xaqiijiyaan ujeedooyinkii iyo himilooyinkii ay usoo haalgamayeen mudada dheer, iyagoo doonaya in aanay lumin fursada dahabka ah ee lagu taageeray shacbiga Somaliland malaayiinka dollar sidii muwaadiniinta Somaliland u heli lahaayeen ee looga caawin lahaa waraaqaha Aqoonsiga iyo kaadhadhka codbixinta, taas oo suurta gelinay isbedel ku yimaada doorashooyin xaq ah oo ka dhaca Somaliland, si ay shacbigu u xaqiijiyaan himiladooda, isla markaana ay waqtigan u muuqato  rajada beesha caalamka ee shuruuda loogaa dhigay hirgelinta nidaamka geedi socodka Dumuqraadiyada iyo doorashooyin xor ah oo aan dib u dhac danbe ku iman.

Sidaa awgeed kooxaha carbaaraynta iyo dhaleecaynta qaawan ku wada Komishanka oo ilaa hada haysta kalsoonida shacbiga, isla markaana  ku guda jira hawlihiisu waa in aanay iska indha tirin xaqiiqda dhabta ah iyo inay shacbigu indhaha ku haayaan oo maalin maalmaha ka mid ah lala xisaabtami doono kuwa doonaya inay ku ciyaaraan mustaqbalka iyo masiirka Ummada.  

 

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office

E-mail; Info@araweelonews.com

 

 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *