Hargeysa (ANN)-Kooxo dhallinyaro ah oo cadhaysan, ayaa maanta mudaharaad ka sammeeyey Xafiiska Badhasaabka Gobolka Togdheer, kuwaas oo ka cabanayay gunnooyinkii ay ku shaqaynayeen maalmihii ay socotay hawsha bedelaada kaadhadhka ee todobada maalmood.

 

 

Dhallinyaradaa,, ayaa cabashadoodu isu bedeshay rabshado, iyagoo xafiiska badhasaabka hortiisa ku gubay taayiro, islamarkaana waxay dalbadeen in la siiyo gunnooyinkoodii ay ku shaqaynayeen, balse waxa arrinta dhexgalay oo qabboojiyey masuulliyiinta gobolka iyo xubno wasiiroo ah oo ballanqaaday inay si dhakhso ah waxoodii loo siin doono.

Kooxdaa Dhallinyarada ah  oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 100 waxay ahaayeen labada xubnood ee lagu magacaabay Wasaaradda Arrimaha gudaha inay wakiillo ka ahaayeen, balse waxay xubnahaas si dadban uga wakiil ahaayeen xisbiga UDUB, iyagoo sita shaadhka wasaaradda Arrimaha gudaha.   

Haseyeeshee Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Muuse Cabdi Maxamuud (Muuse Madoobe), ayaa sheegay  shebekada araweelonews  inay gacanta ku hayaan cabashada dhallinyaradan ka shaqaynayay hawlihii bedelaada kaadhadhka oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kuwaas oo mudaharaad ka hor sammeeyey maanta Xafiiska Badhasaabka Gobolka Togdheer Xaruntiisa magaalada Burco.

Wasiir Madoobe oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay isagoo ku sugan magaalada Burco, ayaa xaqiijiyey cabashada ay dadkaasi mudaharaadka ku muujiyeen, isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Dadka lacagtoodii waxay maraysaa hannaankii loogu tallogalay, qaybtii horena way qaateen, tana gacantaa lagu hayaa mana aha wax Burco oo keliya ku kooban ee waxay la qabaan dadkii gobollada kale ka hawlgalay, laakiin arrinta waa la siyaasadeeyey.” Ayuu yidhi, isagoo ka gaabsaday inuu iftiimiyo cidda uu ula jeedo, balse waxa uu sheegay inay hadda arrinta gacanta ku hayaan oo ay dhakhso u dhammaanayso.  

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office  

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *