somalimemo.netGal-gala(ANN) Hogaamiyaha  dagaalka kula jira Maamulka Puntland ee ka dagaalama Buuraleyda Deegaanka Galgala ee duleedka Boosaaso Sheekh Maxamed Saciid Attam, ayaa ku dhawaaqay maanta oo Sabti ah inay si toos ah ula midoobeen Xarakada Al-shabaab oo  iyaguna todobaadyo ka

 

hor la midowday ururweynaha Al-Qaacida.
Hoggaamiyaha kooxdaa Sheekh Yaasiin Khaalid Cismaan (Yaasiin Kilwa) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxdooda ay ciidan ahaan iyo hoggaan ahaan ku biireen Al-shabaab, isgaoo xusay inay kordhinayaan dagaalka ay kula jiraan Puntland.
“Waxaan si cad u sheegaynaa maanta inaan la midownay Al-shabaab, ciidan ahaan iyo hoggaan ahaan, waxaana taageersannahay hoggaamiyaheenna Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr,” ayuu yidhi hoggaamiyahan oo sheegay inay tani guul u tahay mujaahidiinta Soomaaliya.
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali dheere) oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan ku biiirsta kooxda Gal-gala ay kusoo biireen hoggaankooda.

“Midowga mujaahidiinta, gaar ahaan tani  waxay niyadjab iyo naxdin ku tahay cadowga Islaamka iyo kuwa la safan,” ayuu yidhi Sheekh Cali Dheere, wuxuuna intaa ku daray inay gacmo furan kusoo dhaweynayaan walaalahooda kusoo biiray.
Kooxdaa ayaa waxay dhawrkii  sannadood ee u dambeeyay dagaal kula jirtay maamulka Puntland, iyadoo dhowr jeer oo hore uu maamulku  sheegeen  inay meesha ka saareen kooxdaa, balse waxaa muuqata inay weli jiraan oo ay khatar ku yihiin maamulka Puntland.
Mas’uuliyiinta maamulka  Puntland ayaan weli ka hadlin arrintaa, iyadoo kooxda buuraleyda Gal-gala ee la midoobay Al-shabaab aanay  ka hadlin midowgii Al-shabaab iyo Al-Qaacida ee dhacay bishan badhtamaheedii, balse ay xuseen oo keliya inay ku biireen iyagu Al-shabaab.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *