Hargeysa(ANN)Madaxweyne xigeenka Somaliland, isla markaana ah ku simaha Madaxweynaha  C/raxmaan Seylici ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Shirkada Caalamiga ah ee TOYOTA MARILL, taas oo qorshaynaysa inay dalka Somaliland ka furato xafiis.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafada loo qaybiyay oo kasoo baxay xafiiska afhayeenka Madaxweynaha Somaliland. qoraalkaas ayaa u dhignaa sidan;-  “ Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda shirkada caalamiga ah ee TOYOTA MARILL, waftigan oo ka koobnaa shan xubnood ayaa waxaa hogaaminayay Agaasimaha maamulka shirkadaasi una qaabilsan wadamada jabuuti, Somaliland iyo soomaaliya LUCMARILL.
Madaxweyne ku xigeenka waxa  uu uga mahad-celiyey xubnaha weftigaasi booqashada ay ku yimaadeen dalka, waxaanu xusay in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo maaligelin ku samaynaysa Dalka, waxaanu intaa raaciyey Madaxweyne-ku-xigeenku in ay gacan ka gaysan doonaan waxkasta oo lagam-maarmaan u ah hirgelinta shirkadan xukuumad ahaan.


Agaasimaha Maamulka ee Shirkada TOYOTA MARILL ee dalka Jabuuti oo kulankaasi ka hadlay waxa uu uga mahad celiyey Madaxweyne ku xigeenka sidii wanaagsanayd ee uu ugu qaabilay xafiiskiisa waxaanu ka xog-waramay agaasimuhu dedaalka ay ugu jiraan in shirkad ahaan ay xafiis-ka furtaan Somaliland oo ah Dal nabdoon, xasiloon isla markaana ku talaabsaday horumar ganacsi, iyo Dimuquraadiyad taasi oo keentay in ay shirkadoodu ay ku soo hirato arrintaasi, oo ah ta sababtay TOYOTA MARILL ay hormood u noqoto shirkadaha caalamiga ah ee ka jira Somaliland.
Dhinaca Xukuumada  waxa kulankan ku wehelinaayey La-taliyaha xafiiska madaxweyne ku-xigeenka Mudane, Cismaan Siciid Jaamac iyo Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweyne ku xigeenka JSL, Cali Xuseen Nuur
Dhinaca Weftiga
1.         Lucmarill Managing Director
2.       Denis Bouzin
3.       Kateryn Bourgine
4.       Cismaan Cabdi Cismaan Wakiilka Somaliland ee Shirkada TOTOYA MARILL
5.       Siciid Jaamac Cali

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *