Gebilay (ANN)Ciidamadda Booliiska Somaliland ayaa goor dhaweyd  gacanta  ku dhigay Nin lagu magcaabo Cawar Xareed oo ka mid ah koox ay Booliska Somliland in baddan baadi goobayeen, isla markaana  Xukuumadda Somaliland  hore ugu Eedaysay inay ka danbeeyeen jidgooyooyin  iyo dilal ka

 

dhacay xiliyo kala duwan  deegaanka Ceel-berdaale ee galbeedka Somaliland oo ay ku nafwaayeen dhawr qof.
Sida ay sheegayaan wararka  ka imanaya Magaaladda Gabilay, ciidanka Booliska ayaa Ninkaa maanta  ku soo qabtay Gabilay. Kadib markii  ay kooxo ciidanka  Booliska USP,  ku hareereeyeen isagoo Gurigiisa jooga. Dad goob jooga ayaa shebekada Araweelonews u sheegay inay Ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen Ninkaa.  Kadib qadar daqiiiqado ah oo ay tacshiirado is weydaarsadeen,   balse ay gacanta ku dhigeen  iyadoo aan wax  khasaare ahi dhicin. Ciidanka Booliska ayaa galabta soo gaadhsiiyay xabsiga dhexe ee Hargeysa , isaga iyo mid ka mid ah Ilaaladiisa.

Dhinaca kale Taliye Ku xigeenka ciidanka Booliska C/raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay xafiiska CID-da ee magaaladda Hargeysa ku sheegay inay galabta ciidanka booliska Gabilay ay ku guulaysteen hawl-gal ay ku soo qabteen eedaysane Cawar Xareed. waxaanu bogaadiyay oo uu ammaan balaadhan u soo jeediyay ciidankii fuliyay hawl-galkaa.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *