HMaxamuud Haashiargeysa(Araweelo News News) Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aan waxba iska bedelin go’aan ay dhowaan kaga joojisay Madaaradda Dalka Somaliland in ay soo fadhiistaan

ama ku duulaan diyaaraddaha Qaramada Midoobay.

Sidaana waxa shaaca ka qaaday Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud  Cabdi oo  shir jaraa’id ku qabtay Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa,  kaas  oo sidoo kale uu kaga hadlayay dayactirka madaarka Hargeysa oo sida uu xusay maraya heer gabo-gabo ah.

“Go’ aankii xukuumada Somaliland ay ku joojisay duulimaadyada qaramada midoobay sidii ayuu u taagan yahay waanu dhaqan galay, go’aan sax ah ayuu ahaa oo maaha mid aanu ka qoomamaynayno ee waa go,aan sax oo aanu qaadanay wakhtigii loo baahnaa, wax xaal ah kama bixinayno ee anaga ayaa nalooga garaabi doonaa,waftiga ka socda qaramada midoobayna todobaadkan ayey imanayaan dalka waanu wada hadlaynaa.

 

“Somaliland gar ayey joogtaa go’aankuna waa halkisii,Gargaarka ay fuliyaan hay”adaha qaramada midoobay maaha mid saamaynaya duulimaadyada la joojiyey, qaramada midoobay shaqadooduna ma istaagi karto ee duulimaadyada kale ee socda ayey raacayaan, shaqo xumaanaysa oo xukuumadu aaminsan tahayna ma jirto, go,aanka aanu qaadanay waa sax oo maaha mid xaal laga bixinayo,.”Ayuu yidhi wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

Dhinaca kale, waxa  uu Wasiirka Duulistu  sheegay in dib u dhiskii madaarka Hargeysa marayo heer gabo-gabo ah, isagoo yidhi,  “Waxa aynu maanta goob joog ka nahay wajigii ugu danbeeyey ee madaarka caasimada oo aanu bilawnay,  iyada oo dhismaha madaarku soo maray laba waji oo waaweyn Midi waxa uu ahaa kii u horeeyey ee lagu samaynayey sarfayga, isla markaana lagu calaamadinayey goobaha wax laga qabanayo, wajiga labaadna waxa uu ahaa ranwaygii hore ee ka koobnaa 2.4 oo la googooyey meelihii uu ka daacay oo dhan meelihii bayskiisa dhagaxa ahaa lumayna dib loo soo kiciyey, ranwaygaas oo dawlada ingiriisku dhistay sanadkii 1958.” Ayuu yidhi.

Wasiirku waxa uu sheegay  in Wajiga sadexaad ee dhismaha Madaarku socdo, kaas oo sida uu xusay  isku siman, isla markaana oo isku cel celiskiisu yahay 7.5cm, taas oo uu sheegay  inay tahay shaqadii ugu adkayd, balse qaybtii ugu danabaysay  oo la bilaabay hadda la saaray dabaqii labaad oo 4cm, kaas oo dhamaanaya xiliga loo qorsheeyay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *