blocks - CopyKhuburada dhinaca heshiisyada shidaalku waxay farta ku fiiqayaan dhibaatooyinka ay heshiiyada aan sida weyn loo lafa-gurin geyeysiin karaan mujtamaca iyo bulshooyinkaa wadamadaa, taas oo

sida ay sheegayaan  Khuburada dersa heshiisyada shidaalka iyo khayraadka dabiiciga ah ee dunida,ama dalalku  tilmaamayaan  in halkii ay ka filayeen wadamadaasi inay ka baxaan faqriga xaalada dhaqaale iyo saboolnimo ee dalka iyo dadka waxba iska bedeli waayaan, taa bedelkeedana dhaqaalaha iyo khayraadka dalku u gacan galaan oo keliya koox yar oo maamulka ah oo qayb ka ah qandaraasyada  iyo shirkaddaha guranaya khayraadka dalka.

 

Nooca sadexaad oo heshiisyada shidaalka iyo khayraadka dabiiciga ah,  waxaa  ka mid ah heshiiska (Joint venture), kaas oo ah wax  wada lahaansho, isla markaana laga soo dheegtay labada nooc ee aynu hore usoo sheegnay oo kala ahaa  (Concession Agreement) iyo  (Production sharing contract), kuwaas oo khatartooda iyo waxyeeladooda leh, isla markaana ka hore dunida laga mamnuucay wixii ka danbeeyay 1960.

heshiiska (Joint venture), ayaa lagu tilmaamaa inkasta oo uu labadaa nooc ee hore ka wanaagsanyahay haddii loo adeegsado qaabka loo horumariyay ee caalamiga ah, hadana waxa lagu tilaamamaa inuu  yahay mid u daneeya hantiilaha, ama shirkada doonaysa inay soo saarto khayraadka, balse waxa ay ku xidhantahay hadba sida loo dhigo.
Qaar ka mid ah wadamada Khaliijka, ama intooda badan ayaa u isticmaalay soo saarista shidaalka heshiiskaa oo ku xidhan hadba sida loo dhigo nuxur ahaan iyo qaabka loo qoro, wuxuuna  dhexmaraa shirkadda wax soo saarka samaynay iyo xukuumadda, ama laba shirkadood.

Waxayna labada dhinac shuraako ku noqonayaan wax soo saarkii, wuxuuna dhigayaa inata badan in Hantiilayaasha shirkadda ay hawsha maamulaan, iyagoo iska leh qalabka iyo hantida maalgashiga lagu samaynayo,  balse si looga taxadiro mushkilada ka dhalankarta in Mulkiilayaashaa,ama shirkadaha heshiiskaa nooca ah  lala galay iyo khaladaadka ay samayn karaan haddii loo daayo inay hawsha maamulaan keligood, waxa wadamada inta badan galay heshiiska noocaa ah ay sameeyeen, iyagoo ka digtoon mushkiladaha ka dhalankara inay sameeyaan(joint management committee), gudi wadajir ah, kuwaas oo wadajir u maamula hawsha, isla markaana ansixiya wixii dhaqaale ah, ama kharash ah  ee loo haahdo.

Balse mar walba waxa laga maarman ah in dalkaasi marka hore yeesho shuruuc diyaar ah iyo xeerar sida Maalgashiga, Xeerka (Petroleum Law) ee Khayraadka dalka, kaas oo tilmaamaya heshiisyada shidaalka iyo nooca dalkaasi doonayo in loo waajaho, xeerarkaa iyo shuruucda loo baahnaa oo aan Somaliland diyaar u ahayn, kuwaas oo ay ku hanboonayd  in la diyaariyo ka hor inat aan heshiisyo qarsoon oo sababaynaya, isla markaana sharciyadooda muran iyo mad-madaw badani ku jiro la gelin.  
Xeerarkaa iyo shuruucdaa oo ah kuwo la lafa-guray, isla markaana ka hor inta aan la samayn dhinacyo badan laga eegay, ayaa ah kuwo lagu ilaalin karo khayraadka dalka, isla markaana meesha ka saaraya in koox yar, ama shirkado shisheeye qaab khaldan uga faa’idaystaan khayraadka dalka, iyagoo fursad ka heli kara dhibaatooyin dhaqaale, saboolnimo, ama siyaasado iyo duruufo kale oo ka jira dalkaa.

La soco qaybo kale

By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human rights Activist.
E-mail Jaamac132@gmail.com/
info@araweelonews.com
www.arraweelo.com
www.araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *