Duur1Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland iyo golaha deegaanka Hargeysa ayaa ku muaransan mashruuc waraaqaha aqoonsiga la doonayo in loogu sameeyo

 

muwaadiniinta Somaliland, balse golaha deegaanka Hargeysa ayaa dhinacooda doonaya inay hawshaa maamulaan, taas oo wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur)  iyo xildhibaano ay saaxiibo yihiin hore u qorshaysteen.

Maayer ku-xigeenka Caasimadda, isla markaana ah Ku-simaha Duqa caasimada Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Caga-weyne) oo hadal ka jeediyey kulan uu shalay xarunta dawladda Hoose ee Hargeysa kula yeeshay Xubno ganacsato ah, isagoo sheegay inaanay Ardayda u fadhiisanaysa Imtixaanaadka Dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay aanay la’aanta kaadhka aqoonsige geli doonin imtixaanaadka, isla markaana aan Huteellada lagu seexan doonin aqoonsi la’aan, sidoo kalena Jaamacadaha lagu geli doonin aqoonsi la’aan, wuxuuna xusay inay hawshaa gole deegaan ahaan maamulayaan.

Maayar xigeenka Caaasimada oo ka hadlaya arrintaa ayaa yidhi,  “Maaddaama oo aannu ku jirno dakhli ururin iyo olole cashuureed, waxaannu soo saarnay wareegtooyin fara badan, waxaa ka mid ah Taysaradii (Kaadhadh aqoonsi),  sidaad  la socotaan maalinba maaliinta ka dambaysa ayuu waddankeennu tallaabo horumarineed sii qaadayaa oo aynu citiraafkana usii dhawaanaynaa. Dedaalkaas oo ay samaynay  Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).” Ayuu yidhi Maayar xigeenka Caasimada C/casiis Cagaweyne.

Sidoo kale Mayaar xigeenku waxa uu yidhi, “Annagu ka gole deegaan ahaan dedaalkaas waannu la tallaabsanaynaa, waxaannu u aragnay dedaalkaa la tallaabsigiisa in aannu samayno oo aannu der-der-gelinno ID Card-kii (Kaadhadhka aqoonsiga dhalashada). Waad ogtihiin waddammadan Jaarka sida Ethiopia,  Djibouti,  Kenya iyo Caalamka oo dhan waxay sameeyaan dedaal kaadhadh aqoonsi, hal Tigidh qofka looma jaro haddaanu qofku Taysaro lahayn, jibka (kaadhka) taleefanka looma geliyo haddaanu Taysaro lahayn qofku, waxyaabo faro badan oo ku xidhan taysarada ayaa jira, waana bilaabaynaa hawshaa” ayuu yidhi C/casiis Cagaweyne, wuxuuna usoo jeediyay shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom in dadka ka dalbaya Adeega Zaad ee lacagta ay ku xidhaan Aqoonsi.

Hase-yeeshee, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa waxba kama jiraan ka dhigay dhawaaqa Maayar xigeenka, wuxuuna sheegay inaan Ardayda imtixaanaadka u fadhiisanaysa shuruud lagaga dhigi karin qaadashada kaadhka aqoonsiga, isla markaana  uu jiro qorshe ay Wasaarad ahaan wadaan oo dadweynaha Somaliland lagu diiwaangelinayo, kaas oo kaadhadhka lagu siinayo muwaadiniintu  qaadanayo muddo dhawr sano ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo  shalay  waraysi siiyay Idaacada  Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du ayaa la weydiisay arrinta  uu ka dhawaajiyay Maayer xigeenka  Caasimaddu, wuxuuna Mr, Duur sheegay  in  qaadashada kaadhka aqoonsiga ee golaha deegaanka Hargeysa ka hadlay aanay waxba kala socon oo aanay ku wada socon Maamulka dawlada Hoose.
“Runtii dee annagu mashruuca aannu wadnaa waxa weeye diiwaangelintii inay dadkoo dhami ay haystaan aqoonsigii, kaasina wakhti dheer buu qaadanayaa. Wax imtixaan lagu xidhaayo oo maanta Arday Imtixaan galaysa lagu xidhaayo maaha, shardina uma aha. Hawlgal ballaadhan oo dhawr sano qaadan kara weeye ka ay Wasaaraddu waddaa. Kan kale ee ah inay dawladda hoose aqoonsi bixiso waxaan filayaa waa wax iska caadi ah oo qofkii doonaa uu qaadan karo.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur).

Dhinaca kale sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha mashruuca tirakoobka ee la doonayo in dalka lag hirgeliyo, isla markaana waraaqaha aqooonsiga lagu siinayo muwaadiniinta ayaa ah mid mudooyinkii u danbeeyay la hadal hayay, kaas oo  sida ay sheegayaan tibaaxo la xidhiidha qandaraaskiisa la siiyay xildhibaanada ay saaxiibka yihiin Wasiir Duur ee  Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) iyo  Maxamed Xaaji Yuusuf (Wabeeyo), kuwaas oo ka mid ah koox yar oo  tan iyo markii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la wareegtay talada dalka si gaar ah loogu naas nuujinayay  mashaariicda iyo qandaraasyada eexda iyo qaraaba- kiilka ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *