blocks - CopyWaxa kale oo muran ka taagan yahay qaabka heshiiskaa loogu qoondeeyay baaxada dhulka laga baadhayo shidaalka, kaas oo heshiisku dhigayo inay shirkadda la siiyay kontoraaga sida ay doonto u maamusho.

Sidoo kale nooca heshiiska ee loo yaqaan Concision Agreement, wuxuu ahaa mid ay  wadamada reer galbeedka Yurub u samaysteen horaantii qarnigii 19aad  inay ku boobaan wadamada dunida sadexaad maanta loo yaqaan, wuxuuna u adeegayaa shirkadda ama cida heshiiska lala galay, kaas oo aan ogolaanayn in 50-60 sanadood wax laga bedelo, waana heshiiska ay hore usoo sheegnay ee caqabada ku noqday Khayraadka shidaalka ee dalka Yaman iyo wadamo kale oo Afrikaan ah.

Hashiisyada  ka kooban afarta nooc ee wadamada khayraadkoodu dihinyahay la galaan  shirakaddaha shisheeye ee shidaalku mid walba waxa uu leeyahay mushkiladiisa iyo saamayntiisa.

Inta aynaan u gudbin nooca heshiiska Xukuumadda Somaliland la gashay shirkaddaha doonaya inay shidaal  kasoo saaraan Somaliland, kaas oo an ilaa hada la ogayn nooca uu yahay iyo midka uu yahay afartaa nooc, waxaynu eegaynaa nooca laabaad ee heshiisyada  ee loo yaqaan (Production sharing contract) oo ah heshiis lagu wadaagayo wax soo saarka, kaas oo markii u horaysay meelaha laga isticmaalay uu ka mid yahay dalka Indonesia 1966.
Nooca heshiis lagu wadaagayo wax soo saarka dalka (Production sharing contract),  wuxuuna aad uga duwan yahay qaabka heshiiskii hore ee aynu soo sheegnay, kaas oo awood u siinaya inay kaartaroolaan shirkaddaha lala galaa khayraadka dalka, waxaana khuburada sida weyn ula socota noocyada heshiisyada  shidaalku ku tilmaamaan mid aad u liita, waxayna taa bedelkeeda uga digayaan wadamada heshiisyada noocaa ah gelaya inay hubiyaan oo ka taxadiraan nooca heshiisku yahay, qaabka uu u dhisan yahay iyo nuxurka qodobada uu xanbaarsanyahay.

Khuburada dhinaca heshiisyada shidaalku waxay farta ku fiiqayaan dhibaatooyinka ay heshiiyada aan sida weyn loo lafa-gurin geyeysiin karaan mujtamaca iyo bulshooyinkaa wadamadaa oo ay sheegayaan in halkii ay ka filayeen inay ka baxaan faqriga xaalada dhaqaale iyo saboolnimo ee dalka iyo dadka waxba iska bedeli waayaan, isla markaana dhaqaalaha iyo khayraadka dalku u gacan galo oo keliya koox yar oo maamulka ah iyo shirkaddaha guranaya khayraadka dalka.

La soco qaybo kale

By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human rights Activist.
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com
www.arraweelo.com
www.araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *