Hawlgal ciidanka amaanka Somaliland oo kaashanaya Sirdoonka Britain ayaa xili danbe oo habeen ah ka sameeyeen Dabayaaqadii Febaury 2013, goobo cayiman oo ka mid  ah Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa waxay  kusoo qabteen dad titradooda

 

lagu qiyaasaya ku dhowaad 90 qof, kuwaas oo inta badan lasii daayay maalmo ka dib.

Hawlgalka ayaa lala xidhiidhiyay inuu jawaab u ahaa digiin ay dawlada Britain kasoo saartay dhawr todobaad ka hor xaaaladda amaanka Somaliland oo ay xiliggaa  oo ku beegnayd January 27, 2013, sheegtay  inay jirto cabsi soo waajahday muwaadiniinteeda ku sugan Somaliland. Kadib markii sida lagu xusay digiintaa ay Britain heshay warar cabsi leh oo sheegaya inay jiraan falal weeraro iyo afduub ku waajahan muwaadiniinta reer galbeedka ee ku sugan Somaliland, falalkaa oo sida lagu sheegay digniinta ay suurta gal tahay in lagu bar tilmaameedsado dadka muwaadiniinta u dhashay Britain iyo reer galbeedka ku sugan Somaliland . Sidaa awgeed ay si deg deg ah uga baxaan Somaliland.
Inkasta oo ay xukuumadda Somaliland dhawaaqa dawlada Britain ee digniinta ah ka cadhootay, isla markaana ka bixisay jawaab deg deg ah oo ay ku beeninay in ay jiraan waxyaabo muujinaya falal amaan daro ah, haddana hawlgalka ciidamadda Amaanka qaadeen dhawr todobaad ka dib ee lagu qab qabtay dad gaadhaya 90 qof oo laga qabtay dabayaaqadii Febaury goobo cayiman oo magaalada Hargeysa ah, wax ka hdlay wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo hawlgalkaa ku sheegay inuu ahaa mid xidada loogu siibay wixii ka dhawaajiyay dawlada Britain, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Xidada ayaanu u siibnay wixii dawlada Britain sheegtay”.

Dhawaaqa Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ayaa masaxay jawaabtii ay xukuumadda Somaliland hore uga bixisay digniinta Britain, wuxuuna dhawaaqiisa danbe qiray in ay jirtay khatarta cabsida ku abuurtay dawlada Britain.  

Marka laga yimaado jawaabaha is burinaya ee masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo aan ahayn wax ku cusub dhegaha dadka, waxa dhawr todobaad ka dib markii hawlgalkaa ay qaadeen ciidamadda amaanka Somaliland oo ay taageerayaan sirdoonka Britain soo baxay warar laysla dhexmarayay oo sheegayay in dadkii la qabtay dhamaantood la sii daayay. Kadib markii ay masuuliyiin kuwa xukuumadda ugu awooda badan oo ay ka mid yihiin wasiirka madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali, wasiirka arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo xubno kale oo ka mid ah kooxda Mayalka u haysa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo faragelin ku sameeyeen intii aanu dhamaan badhitaankii dadk hawlgalka lagu soo qabtay, marka laga reebo kuwii baadhitaanka u horeeyay lagu sii daayay, iyadoo aan la ogayn ilaa hada qof ka mid ah dadkaa oo maxkamad lasoo taagay iyo tirada haddii ay jiraan qaar ka mid ah dadkaa oo hawlgalkii lagu fuliyay  qabashadooda uu ahaa mid baaxad weyn oo muujinayay  inay jiraan xoggo iyo macluumaad tasmi ah oo ku  khasbayay Ciidamada amaanka Somaliland  oo kaashanaya sirdoonka Britain ee  la shaqeeya  ay fuliyaan hawlgalkaa oo saacado danbe goor habeen ah la fuliyay.

Hase yeeshee todobaad ka dib hawlagalkaa waxa soo baxay

La soco Qayb kale oo warbixin shebekaddaha Araweelonews iyo Arraweelo.com ka diyaariyeen arrimahaa

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *