Michael AdebolajoNairobi(Araweelo News Network) Sarkaal  u hadlay Booliska Dalka Kenya ee  la dagaalanka aragagixisada  oo lagu magcaabo  Muthui Kariuki, ayaa sheegay in Michael Adebolajo  ay  sanadkii2010, qabteen  kadibna ay xidheen, isagoo xiligaa  tababar kasoo qaatay

Ururka Al-shabaab ee k a dagaalama Somalia oo xidhiidh la leh  Urur weynaha Al-Qaida.

 

Sarkaalka ayaa sheegay  in Michael Adebolajo  oo ku eedaysan inuu ka mid ahaa koox todobaadkan Arbacadii lasoo dhaafay ku dishay, Koonfur bari magaalada London Lee Rigby  oo ahaa Askari British ah oo 25 jir a. ay qabteen Ciidanka Booliska Kenya ee ladagaalanka Argagaixisada, balse markaa kadib ay ku war geliyeen Dawlada Britain.

Sarkaalka u hadlay Booliska Kenya ayaa sheegay in aan wax jidhdil ah loo geysan waqtigaa Ninkaa oo ku safrayay British British passport, balse aanay la socon ninkaa wixii ka danbeeyay xiligaa oo ay dawlada Britain u gacan geliyeen ninkaa.

Waxa kale oo dawlada Kenya sheegatay inay jiraan dad  u dhashay Britain, ama sita British passport ay u gudbaan dhinaca Somalia, kuwaas oo la rumaysan yahay in ay tababaro kusoo qaataan dhinaca Somalia ee Ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira Dawlada Somalia iyo Ciidamada AMISOM ee dagaalka ka wada Somalia.
Michael Adebolajo , ayaa la rumaysan yahay in uu ka mid ahaa koox lagu magcaabao Muhajiriin  oo London laga sameeyay wixii ka danbeeyay 11 Sep, kuwaas oo sida ay sheegeen hay’addaha Sirdoonka Britain inay ka qaybqaatay  afduubkii diyaaraddaha lagu weeraray xarunta ganacsiga aduunka xiliggaa iyo mudaharaadyo ka dhacay London 2007 oo lagu canbaaraynayay dagaalka lagula jiro Islaamka.
Dhinaca kale wixii ka danbeeyay dhacdada lagu dilay Askariga Britishka ah, waxa si weyn wax isaga bedeleen xaalada amaanka Britain. Kadib markii ay cabsi weyni soo waajahday Muslimiinta ku dhaqan Britain, kuwaas oo ay dadka Kiristanka ahi u qaadeen cadaawad foolxun.

Koox ka mid ah Kiristanka  xagjirka ah ee u dhisan necaybka dadka muslimiinta ah iyo in dadka islaamka ah laga saaro dalka Britain  oo lagu magcaabo  EDL (English Defence League) ayaa banaanbax rabshado wata waxay maanta ka dhigeen magaalada Newcastle ee waqooyiga dalka Britain, kuwaas oo ku baaqayay in dadka Muslimka ah oo ay sheegeen in Diintoodu ku fidayso dalkaa

Dhinaca kale warbixin  uu maanta  faafiyay machadka diimaha iyo is dhaxgalka dhaqanka ee dalka Britain  ayaa lagu sheegay in  necaybka dadka muslimiinta ah loo qabo ay toban jeer kor u kacday, wixii ka danbeeyay dilka Askarigaa,  iyadoo 48 kii saacadood ee la soo dhaafay dadka muslimiinta ah iyo goobaha u muhiimka ah sida masaajidada iyo guryo meelo kala duwan ku yaal  lagu qaaday weeraro tiradoodu ay kor u dhaafeen 160 , weerar.

Dawlada Britain ayaa arrintaa ka wer-wersan, waxayna  Booliisku  uag digeen  dadka muslimiinta ah inay ka taxadaraan dhibaatooyin kaga yimaada kooxaha Islaamka neceb, waxaana si gaar ah ay Booliska Britain  ugu digeen  Dumarka xijaabka xidhan oo kooxaha midigta ee xagjirka ah sida EDL iyo BNP ay waxyeelo u gaysan karaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *