Hargeysa(ANN)Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa maanta cambaareeyay xadhiga xukuumaddu xabsiga ugu taxaabtay  Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland. Sidoo waxa kale oo ay dawlada madaxweyne Siilaanyo ku tilmaameen mid aan adkaysi u lahayn

in dhaliilo loo jeediyo.
Sidaana waxay   ku sheegeen war saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Xisbigaa Xasan Xuseen (Codyare), kaas  oo  u qornaa sidan:-
“Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ku dhisanyahay distoor siinaya xuquuqda muwaadin kasta una ogolaanaya in uu fikirkiisa cabiro, isla markaasna xaq u siinaya in uu muujiyo dareenkiisa, af iyo ficil salmiyaba.

Haddaba intii ay xukuumaddan cusubi qabatay hogaanka dalka oo ka soo jeeda xisbi aad u difaaci jiray xoriyatal qawlka iyo saxaafadda xorta ah, dhaliila-hoodana mar mar lagu tilmaami jiray qaranka dumis, iyagoo u jeeda in ay ku xumeeyaan xukuumaddii markaa jirtay.

Haddaba markaad eegtid yeedhmadii ay dhawaan looga yeedhay sheekh Aadan Siiro CID-da kadib markii uu masaajid ka jeediyay aragtidiisa ku aadan Dawladda.

Markaynu aragnay shaqaalihii Wasaaradda Maaliyadda ee ka cabanayeey imtixaankii laga qaaday ee cabashadooda ku muujiyay mudaaharaad salmiya ee xabsiga lagu guray.

Markaad aragtid 4-tii jaraa’id ee madaxa banaanaa ee dacwadu ku socoto, markaad aragtid Horn Cable TV oo loo hanjabay markii uu soo bandhigay macaluusha iyo saxariirka ka taagan xaafadaha Hargeisa qaarkood, waxaa isna  sidoo kale loo hanjabay Universal TV oo sadexdda Gobol ee bari ka soo duu bay abaaraha iyo baahida ka taagan.

Ugu dambayn markaad aragtid xadhigan-(Boqor Raabi Yusuf Cabdilaahi) oo xukuumadu ku eedaysay inuu Madaxweynaha Af –lagaadeeyay iyadoon u marin sifihii sharciga ahaa isla markaasna hore u laashay xukunkii deg-deg ahaa.

Hadaba waxaa is waydiin leh goorta dhaliilihii iyo taladii xukuumadda loo jeedinayeey isku bedashay dambi, marka arrimahaas oo dhan isku soo gayso xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu u arkaa in ay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo madaxda ka yahay u lahayn adkaysi iyo dulqaad dhaliilaha loo soo jeediyo taasina waxay u eegtahay hab dhaqankii kali taliska.

Xisbi ahaan (UCID) aad ayaanu u cambaaraynaynaa xadhiga -(Boqor Raabi Yusuf Cabdilaahi) iyo habka ay ku dhaqmayso xukuumaddu marka la eego xoriyatal qawlka.
Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu xukuumadda ugu baaqayaa in ay -(Boqor Raabi Yusuf C/laahi) xoriyadiisii si degdeg ah oo bilaa shuruud ah ugu soo celiso.”
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist  
Araweelonews Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *