Wargeyska the Guardian Oo Soo Bandhigay Fadeexad La Xidhiidha In Sirdoonka Maraykanku Dhegaysteen Telefoonada In Ka Baddan Shan Iyo Hogaamiyayaasha Ugu Tunka Waaweyn YurubNew York(Arraweelo News Network)Hay’adda  xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin soo saartay kaga hadashay tacadiyaadka ay maleeshiyaadka Dowladda Federaalka iyo

 

mas’uuliyiinteeda kula kacayaan haweenka Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’addaa ayaa lagu xaqiijiyay in saraakiil iyo ciidamo katirsan dowladda Xasan Sheekh ay hablaha Muqdisho u qafaalaan ciidanka AMISOM ee xeryaha ku sugan, kuwaas oo tacadiyo iyo kufsi faraxumayn ah u geysta hablaha.
Hay’adda ayaa tusaale usoo qaadatay gabadh bishii Augst ee sanadkan ay ciidanka AMISOM ay ku kufsadeen xerada Maslax ee duleedka xaafadda Suuqa Xoolaha,kadibna iyadoo dhaawac weyni soo gaadhay ay soo fasaxeen.

Qoraalka kasoo baxay HRW ayaa lagu canbaareeyay  gobood fallada foosha xun ee DF-ka kula kacayso shacabka Muqdisho waxayna tusaale usoo qaadatay in ciidan hubeysan ay Jidh-dileen gabadh dhakhtarad ah oo daweysay haweenayda la kufsaday sidoo kale waxaa warbixinta lagu xaqiijiyay in Dowladda Xasan Sheekh ay handaday wariyihii wareysiga ka qaaday haweenayda lakufsaday.

Canbaaraynta Hay’adda Human Rights Wach ayaa marar hore warbixino ay kasoo saartay Xaalada Bulshada Somalia ee magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin ciidamo shisheeye aan waxba iska bedelin, iyadoo canbaarayn sidan oo kale ahna Hay’adda Human Rights Watch u jeedisay dhawr jeer Ciidamada dawlada Kenya oo ay sheegtay in ay tacadiyo iyo gabood falo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha kula kacaan qoxootiga Soomaalida ah eek u sugan xeryaha Kenya, kuwaas oo haweenka ku nool qaarkood loo geysto gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.
arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *