SaacidMuqdisho(Arraweelo News Network) Raysal Wasaaraha Somalia Cabdi Saacid ayaa sheegay inuu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, balse waxa uu meesha ka saaray in

 

uu is casilayo ilaa laga gaadhayo mudada xukuumadiisa ee 2016.

Sidaana waxa lagu sheegay war saxaafada loogu talagalay oo kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Cabdi Faraax Shirdon oo lagu cadeeyay mawqifkiisa khilaafkaa iyo waxa sabab u ahaa.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa u dhignaa sidan:- Raysal WasaareSaacid ayaa caddeeyey inuunsan iscasilayn ilaa iyo 2016ka markaas oo uu ku egyahay wakhtigiisa balse waxauu wax laga nazo ku tilmaamay inuu Madaxweynaha Mudane Xassan Shiikh Maxamuud uu si aan naxariis lahayn ugu yeeray Raysal Wasaaraha asagoo ku diiday golaha cusub ee wasiiraddii uu soo magacaabi lahaa Raysal Wasaare Mudane Cabdi Faraax Shirdon kuwaasoo ka kooban 23 wasiiro oo wada wax wada bartay haystana shahaadada ugu dembaysa ee Jaamacadda sida PhD balse arrintan ayaa Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ka caraysiisay markii uu Raysal Wasaare Mudane Cabdi Faraax Shirdon ka reebay liiskan dad badan oo galay musuqmaasuq kuwaasoo aykamid yihiin wasiiro si dhow uga amarqaata Madaxweynaha Mudane Xassan Shiikh Maxamuud.

Raysal Wasaare Mudane Cabdi Faraax Shirdon waxuu caddeeyey inuu wakhtigiisa dhammaan doono 2016ka markaasoo ay asaga iyo madaxweynaha ugu eg yahay xilka jaggooyinka ay hayaan hadda.

Raysal Wasaare Mudane Cabdi Faraax Shirdon waxuu aad iyo aad ugu hambalyeeyey Guddoomiyhii Bangiga Dhexe ee iscashishay Marwo Yusra Abraar taasoo joojisay khiyaano la rabay in lagi dhaco $ 100 milyan oo doolar kuwaasoo ay ku amreen inay saxiixdo haddii kale ay dili doonaan Yusra Abrar sidaas awgeedna Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Marwo Yusra Abrar waxay u carartay dalka Emaaraadka meeshaasoo ay joojisay lacagtii $ 100 milyan ee lagala bixi lahaa akoonka Dowladda Soomaaliya uga furan dalka Emaraadka.

Aniga waxaan u sheegayaa Ummadda Soomaaliyeed Iyo caalamkaba inaynan u dulqaadan karin musuqmaasuqa ka dhexjira gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan kan uu soo waday Xafiiska Madaxweynaha Mudane Xassan Shiikh Maxamuud kaasoo aad u malayso inuu ilooway inay Dowladda Soomaaliya ku dhisan tahay 4.5 habka awood qaybsiga qabiilka isla-markaasna waxaa wakhtigayagu dhammaan doonaa bisha October 2016ka haddii Alle Idmo!

Aniga waxaan si deg deg ah ku soo magacaabi doonaa golaha wasiirada cusub kuwaasoo ay Golaha Shacabka Soomaaliyeed iga sugayaan si ay u ansixiyaan balse inta ka horaysa ayaan waxaan soo magacaabi doonaa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe waayo laba mar ayuu Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Magacaabay balse waad aragteen waxa ka dhacay iyo sida loo casilay labadii Guddoomiye ee Bangiga Dhexe soo martay inta aan xilka u haynay Dowladdam haatan jirta.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *