Laasqoray(Arraweelo News Network)Khasaaraha ka dhashay Roobab aan kala go’ayn si xidhiidh ah u day’aya labadii Caanamaal ee u danbeeyay ayaa sii kordhaya, iyadoo

cabsi weyn laga soo sheegayo magaalooyinka iyo deegaamada usii jeeda xeebaha Badda case e Somaliland iyo dhinaca cidhifka bari Somalia ee xeebaha kulaalaya Badweynaha India.

Roobabka oo bilaabmay habeen hore ayaa usoo gudbay dhulka loo yaqaan Oogada ee jooga sare, waxaana soo baxaya warar sheegaya in khasaare uu ka dhashay deegaamada qaarkood, gaar ahaan deegaamada dhinaca xeebaha, iyadoo aan inta badan laga warqabin deegaamada Xeebaha qaarkood oo aanay jirin isgaashsiin iyo isu socodka gaadiidka oo gebi ahaanba istaagay.

Maayarka Degmada Laasqoray Maxamed oo shebekaddaha arraweelo.co  iyo Araweelonews khadka Telefoonka kula xidhiidheen isagoo ku sugan Magaalada Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegay in khasaaraha  dhimasho eek a dhashay Roobabka ay ilaa hadda hayaan Lix qof oo ku dhintay Deegaanka magaalada Xeebta Laasqoray , wuxuuna xusay in daad ku qaaday Doox ;agu Magcaabo Shugux-shugux 3 qof oo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxa uu Maayarka Laasqoray  Maxamed sheegay in laba qof oo kale ku nafwaayeen roobabka deegaanka Dur-duri oo qiyaastii 50km dhinaca Bari ka xigta Laasqoray, iyadoo hal qof oo kale ku naf waayay roobabka Magaalada Laasqoray, wuxuuna intaa ku daray in ay jiraan gaadiid kuwa dhinaca badda loo adeegsado ee Laashashka oo shan Laash la la’yahay iyaga iyo dadkii saarnaa, kuwaas oo aanu sheegin tirada dadka saarnaa,  isla markaana uu jiray Laash maalintii shalay gelinkii danbe ku degay Badda dhinaca Xeebta Laasqoray, balse laga badbaadiyay dadkii saarnaa.

Magaalooyinka iyo deegaamada Miyiga ah ee Somaliland ayaa roobabku ka da’ayeen ilaa shalay kuwaas oo weli ka da’aya, waxaana Magaalooyinka waaweyn qaarkood go’an Korontada Laydhka oo laga cabsi qabo in ay waxyeelo u geysato dadka. Sidoo kale isu socodka magaalooyinka ee gaadiidka ayaa hakad galay, iyadoo magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Berbera isu socodku uu yaraaday.

Dhulka Miyiga ayaa laga soo sheegaya in roobabku dadka xooladhaqatada ah ka hor istaageen in ay xoolaha foofiyaan, taas oo saamayn ku yeelankarta nolosha dadka iyo xoolaha, balse ilaa hada ma jiro khasaare laga soo shegay deegamadaa. Inkasta oo aan meelaha qaarkood isgaadhsiin jirin, isla markaana ay hakad galeen gaadiidkii isaga gooshi jiray.

Dhinaca kale  Maamulka Puntland ayaa shalagay in khasaare uu  ka dhashay roobabkaa oo meelaha qaar dabaylo wata, kuwaas oo ka da’ay  deegaannada Puntland ee ku teedsan xeebta bad-weynta India.

Madaxweynaha  Maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay inay roobabka ku dhinteen dad lagu qiyaasay 100 qof, sidoo kalena ay khasaare gaadhsiiyeen dad iyo duunyo, wuxuuna ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah oo uu sheegay in ay soo wajahday Puntland, isagoo  magacaabay guddi heer maamul ah oo u xilsaarnaan doona wax-ka-qabashada xaaladda khasaaraha ka dhashay roobabkaa oo weli da’aya.

Waxayna wararkii ugu danbeeyay eek a imanaya deegaamada dhinaca Xeebta Bari ee Eyl sheegayaan in dad gaadhaya ilaa (sodon), isla markaana aan wax caawimo ah la gaadhsiin dadka deegaanadaa, kuwaas oo aan wax war ah laga hayn, iyadoo dadka deegamadaa oo u badan Kaluumaysato iyo Beerlay adeegsan jireen tamarta cadceeda, taas oo keentay in roobabka dabaylaha watay eek a da’ay mudadii ay socdeen maalmihii lasoo dhaafay aanay wax cadceed ah arag, isla markaana ay wadooyinku gooyeen daadadka ka dhashay roobabkaa.

info@araweelonews.com

jaamac132@jmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *