Hrw logo.svgNew York(ANN)Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee  Human Rights Watch ayaa si weyn ugu dhaleecaysay dowladda Federaalka ee Somalia gabood-fallo ka

dhan ah Xuquuqda Aadamaha oo ay ku kacaan ciidankeedu, kuwaas oo isugu jira  kufsi iyo jirdil  ay kula kacaan dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan gudaha Muqdisho iyo duleedkeeda.

Sidoo kale Human Rights Watch, waxay Dawlada Somalia ku Canbaaraysay  gabood fallada xun ee Hay’addaha sirdoonka Dawladu  kula kacaan  dhalinyarada Muqdisho sida dilalka iyo sidoo kale  shirqoollo ay sheegtay in  lagula kaco dadka indheer garadka ah.

“Xubno ka tirsan ciidamada ammaanka ee dowlada iyo kooxo hubeysan ayaa kufsaday, garaacay, ama xadgudub u geystay Soomaali barakacayaal ah oo yimi caasimada Soomaaliya,  iyagoo ka soo cararayay macaluul iyo collaado hubeysan laga soo bilaabo 2011, Human Rights Watch ayaa sidaa ku sheegtay warbixin maanta la soo saaray xafiiskeeda New York.

Warbixintaa oo ka kooban 80-bog ayaa sumad looga dhigay sidan;- “Lahaysteyaasha Waardiyeyaasha Ganjeelka: Xadgudubyada ka dhanka ah Dadka Wadanka Gudihiisa Ku Barakacay ee ku sugan Muqdisho, Soomaaliya,”  warbixintaa ayaa faahfaahinaysa xadgudubyo xunxun, oo ay kujiraan weeraro toos ah, xanibaadyo dhinaca  dhaqdhaqaaqa iyo helitaanka raashinka iyo hoyga ah, iyo takoorid qabyaalad ku salaysan oo ka dhan ah dadka soo barakacay ee ku sugan Muqdisho,  kuwaas oo halkaa kusoo barakacay markii ay macaluushu mareysay meeshii ugu xumayd badhtamihii-2011 ilaa 2012.

 

Wareysiyo lala yeeshay  ilaa 70 qof oo barakacayaal ah ayaa waxay muujiyeen siyaabaha ciidamada dowlada, dabley taabacsan, iyo darafyo gaar ah, oo inta la og yahay ah maareeyeyaasha xerooyinka oo loo yaqaano “waardiyeyaasha ganjeelka,” ay uga faaiideystaan unug-laanta bulshadu u nugushahay dhibaatooyinka.

Saraakiil katirsan hay’adda ayaa sheegay  in ay hubaan iyo ciidanka dowladda iyo maleeshiyaad taabacsan ay ku dhaqaaqaan falal ka dhan ah beni’aadanimada, warbixinta kasoo baxday hay’adda ayaa sheegtay in ay xuquuqda dadka ay u doodo ay  ka bixinayso caddeymo iyo digniino muujinaya in ay dhici karaan tacadiyo hor leh oo maatida muqdisho ka dhan ah.

“Taa Badalkeeda ma haystaan  meel wanaagsan oo ay uga badbaadaan dagaalka iyo macaluusha  way heli lahaayeen, laakiin ma helayaan,  barakacayaal badan oo Soomaali ah oo yimi Muqdisho waxay la kulmeen cadaawad iyo xadgudub,” sidaa waxaa tidhi Leslie Lefkow, oo ah kuxigeenka Agaasimaha waaxda Afrika ee Human Rights Watch.

Hay’addu  waxay warbixinteeda ku xoojisay wareysi ay ka qaaday goob joogayaal,  kuwaas  oo xaqiijiyay in kufsi uu dhacay oo gabdho lagu xadgudubay,maleeshiyaadka DF-ka oo caan ku ah isticmaalka maandooriyaha Qaadka ayaa ku dhaqaaqay falalkaasi.

Waxayna sameeyeen Kufsiyo iyo xadgudubyo dhinaca  galmada ah oo loo geystay dumar iyo gabdho, kuwaas oo ay ku jiraan kuwo Askarta dowlada iyo xubno ka tirsan dabley ay geysteen, waxayna  ahaayeen dhibaato weyn oo ka dhacday deegaanka aan la badbaadin ee xeryaha, Human Rights Watch ayaa sidaa ogaatay.

Dhibaneyaal badan oo loo geystay carqalad dhinaca galmada ah, ma awoodaan,  ama  uma soo sheegaan wixii qabsaday hay’addaha dowliga ah,  sababtoo ah waxay ka baqaan in aargoosi dadka soo weerara ay kula kacaan, waxay sidoo kale ka digtoon yihiin dhinaca dhaqanka oo aan u saamaxayn, iyagoo ka baqaya  in bulshadu ku ceebeyso wixii ku dhacay, sidoo kale waxay  kalsooni aad u yar ku qabaan nidaamka caddaaladda Aabaha haweeney da’ yar oo la sheegay in Afar askari ay kufsadeen ayaa wuxuu Human Rights Watch u sheegay sidan , “Anagu ma anaan isku dayin inaan aadno caddaalada, sababtoo ah waxaa na dhibayay taliyaha markii gabadhayda la kufsaday,  Marka sidee ayaan halkaan qof u aamini karaa? Waxaanu ku qasbanahay inaan aamusno”. Ayuu yidhi. Aabaha la kufsaday inantiisa.

Qoraalka warbixinta Hay’adda ee dhinacyada badan taabanaya waxaa lagusoo hadal qaaday kuwa loo yaqaan waardiyaasha Ganjeelada ee raashinka Barakacayaasha booba,  islamarkaana dhibaatada geystay waxayna katirsanyihiin dowladda Federaalka ugu yaraana waa taageerayaasheeda hubaysan ee iyada hoos yimaada. Sida lagu sheegay warbixinta.

Sidoo kale waxa lagu xusay warbixintaa in Waardiyeyaasha Ganjeelka iyo dabley maamula xerooyinka ay  meelo kale u weeciyeen oo xadaan raashin gargaar ahaa oo loogu tala galay dadka xerooyinka daggan ee Abaartu ku dhacday, Human Rights Watch ayaa sidaa ogaatay. Haweeney 30 jir ah oo xero joog ah, taas  oo ka warantay xaalada qallafsan ee qoyskeedu uu ku nool yahay, iyadoo tidhi,  “Wax ka xun ma jiro xaalada aanu ku jirno. Iminka waxa aanu doonayno waa inaan helno gaadhi aan raacno iyo inaanu ku laabano tuulooyinkayagii,  sababtoo ah haddii aan halkaan cuno la’aan ugu dhiman karo, waa inaan ku dhinto tuuladeydii, sababtoo ah dhimasho waa dhimasho”. Ayay tidhi Haweenaydaasi.

“Dowlada waxaa soo food saartay caqabado wax niyad jebinaya, inkastoo ay u muuqato mid ku dhiirran wax ka qabashada xaalada ba’an ee barakacayaasha ku sugan Muqdisho,”  Haweenayda ka tirsan Hay’adda Human Rights Wacth Mss.  Lefkow ayaa sidaa sheegtay, iyadoo raacisay, “Laakiin hadii xaquuqaha, baahida jirta, iyo rajooyinka barakacayaasha laftooda aan wax laga qaban, waxaa loo badinayaa inay soo wajahaan dhibaatooyin iyo xadgudubyo xataa intii hore ka badan.

Warbixinta ayaa daba socota warbixino hore si weyn Hay’addaha Xuquuqda Aadamaha iyo Beesha Caalamkuba ku eedeeyeen Dawlada Somalia, taas oo lagu eedayay inay Ciidamadeedu sameeyaan falal ka dhan ah Bini Aadanimada oo isugu jira Kufsi, Dilal iyo Boob.
Sidoo kale waxay warbixintu kusoo beegantay maalin ka dib markii Madaxweynaha Dawlada Somalia Xasan Sheekh Maxamuud qirtay inay Ciidamada Dawladu ku kacaan falal Kufsi iyo jidgooyooyin si weyn ugu abuuray bulshada niyad jab.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *