IMG_1280Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu

soo dhamaystay socdaal shan maalmood qaatay oo uu ku tagay dalka Imaaraadka carabta. 
Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa oo galabta ka soo degay madaarka Caalamiga ah ee Berbera waxa halkaa ku soo dhaweeyay Wasiirro ka tirsan xukuumadda, madaxda gobolka,  degmada Saaxil iyo dadweyne tiro badan.

Madaxweyne Siilaanyo oo warbaahinta hadal kooban  ku siiyay Madaarka ugu waramay saxaafadda, ayaa sheegay in booqashadii uu dalka  imaaraadka carabta ku tegey  ee safarkiisu ugu soo  dhammaaday guul,  isla markaana ay masuuliyiinta sar-sare ee dalkaa kala hadleen sidii loo sii adkayn lahaa cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inay dawladda Imaaraadka carabta u bandhigeen inay wax kala qabtaan mashaariic kala duwan oo la xidhiidha horumarka sida waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, wadooyinka iyo adeegyadda kale daruuriga ah.

Madaxweynuhu waxa uu u mahad celiyay dawlada Imaaraadka oo uu xusay inay si milgo leh u qaabileen weftigiisii mudadii uu joogay.
Madaxweynaha Somaliland ayaa mudadii uu ku sugnaa dalka Imaaraadka waxa uu la kulmo la yeeshay Wasiirka Madaxtooyadda ee Imaaraadka carabta, isla markaana ah Raysal wasaare ku xigeenka Sh. Mansuur Binu Saa’id,    Waliyul cahdiga Dubia Amiirka leh dhaxalka, isla markaana ah Taliye Ku xigeenka ciidammadda ee dalkaa Maxamed bin Zayed Al Nahyan  iyo Wasiir Ku xigeenka wasaarada Arrimaha debada Imaaraadka carabta.

Sidoo kale Mudadii ay wefdiga Madaxweynaha Somaliland joogeen halkaa waxay booqdeen xarumo adeegyada Caafimaadka ah iyo Belediyaha Dubai, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo Caawa u hoyday Magaalada Berbera, halkaas oo la filayo inuu maalinta Beri usoo dhaafo dhinaca Magaalada Hargeysa.

Xubnaha Weftiga Madaxweynaha ku weheliyay booqashada Imaaraadka Carabta ayaa ahaa  Wasiirrada Madaxtooyadda, Arrimaha dibadda, Macdanta, Beeraha, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda, Wasiir Ku xigeenka warfaafinta, Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka, Afhayeenka Madaxtooyadda iyo marwada koowaad ee Somaliland.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *