Berbera(ANN)Guddoomiyayaasha Xisbiyada  UCID Eng. Faysal Cali Waraabe  iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay safarka Madaxweynaha iyo wefdigiisu kaga soo laabteen

 

dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo Gudoomiye Faysal ku tilmaamay safarkaa  iyo kii ka horeeyay ee Madaxweynaha Somaliland dhowaan ku tegey dalka Turkiga kuwo ahaa guul  ay Somaliland gaadhay.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Faysal, waxa uu sheegay  in safaradaasi ay noqonayaan kuwo muujinaya in ay Somaliland si buuxda ula macaamishay dawlado si aad ah ugu leh arrimaha Soomaalid, isla markaana masuuliyiinta dawladaha Imaaraadka ee uu madaxwayne Siilaanyo la kulmay aanay hore ula kulmin madax ka socda Somaliland.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo waxa uu sidaasi ka sheegay hadal kooban oo uu shalay ka jeediyay qolka nasashada madaarka magaalada Berbera, halkaasi oo uu madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ee safarka ugu maqnaa Imaaraadka carabta oo dalka dib ugu soo laabtay ay warbaahinta kula hadleen, Isaga oo Faysal Cali Waraabe weftiga madaxwaynaha ka soo raacay magaalada Dubaay halkaasi oo uu muddo ugu maqnaa hawlo shaqo.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya aragtidiisa safaradii madaxwayne Siilaanyo ku tegay wadamada Imaaraadka Carabta iyo kii ka horeeyay ee Turkiga, waxa uu yidhi “safarkan uu madaxwaynuhu ku tegay Imaaraadka Carabta iyo safarkii uu ku tegay Turkiga marka la isku daro waxaan odhan karaa waxay ahaayeen laba safar oo qiimo leh, waxaanay muujinayaan laba dawladood oo arrimaha Soomaalida gacan ku leh in aynu si buuxda ula macaamilnay, oo bog cusub u furanay ayay taasi muujinaysaa, inkasta oo xidhiidh hore jiray Somaliland iyo Imaaraadka hadana maanta heerka madaxda uu madaxwaynuhu la kulmay hore loolama kulmin, markaa waxaan u arkaa in ay tahay fursad qaali ah oo wanaagsan”. Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo isna ka mid ahaa weftiga uu madaxwaynaha Somaliland hogaaminayay ee booqashada kaga soo noqday Imaaraadka carabta, oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa warbaahinta guddaha ku eedeeyay in ay warar qaldan ka faafiyeen safarka uu madaxwaynaha Somaliland ku tegay magaalada Dubaay.

Waxaanu sheegay Muuse Biixi in aanay waxba ka jirin wararka ay warbaahinta qaarkood ka qoreen safarka madaxwaynaha oo ay ku sheegeen in uu halkaasi u tegay si uu ula kulmo madaxwaynaha dawlada Soomaaliya. Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “saxaafadu waxay aad u buun-buunisay in u jeedada safarka weftiga madaxwaynaha ee Imaaraadka Carabta uu ahaa in lala hadlayo qolada koonfureed ee Soomaaliya, waxaan halkan ka xaqiijinayaa in aan warkaa waxba ka jirin, halkana kagama aanaan tegin in aanu la kulano, halkaana uguma aanaan tegin wax arrintaa hadal haya, madaxda Abu dabay nalama ay soo qaadin, mana hadal haynin, waa dhab madaxwaynaha Soomaaliya wuxuu joogay Qadar maantana wuu iman karaa Imaaraadka”.

Waxaanu intaasi raaciyay “laakiin waxaynu nahay laba dawladood iyo laba madaxwayne oo mid walba hawsha qarankiisa iyo waajibaadkiisa uu wato, markaa waxaan doonayaa in aan arrintaa aad u cadeeyo in aanay waxba ka jirin, laakiin qoladiina warbaahintu aad ayaad arrintaa u buun-buuniseen ummadana waxaad gaadhsiiseen war qalad ah oo aanay waxba ka jirin” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu sheegay in madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo uu hore u sheegay in aanay Somaliland ka noqonaynin gooni isu-taageeda xataa haddii ay boqol sano qaadanayso, waxaanu tilmaamay in arrintaasi ay dhamaanba ummada Somaliland ka midaysan tahay mucaarid iyo muxaafidba isla markaana aan waxyaabahaasi looga shakiyi Karin xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisaba. Waxaanu yidhi “madaxwaynuhu wuxuu hore u yidhi haddii ay boqol sano qaadanayso, inaga oo laba dawladood iyo laba qaran oo siman ah oo wada hadli kara mooyee wax kale isugu iman mayno, sidii shirkii hore ayuunbaa loo tegi karaa inaga oo laba dawladood oo siman ah, taasina ummada Somaliland ayaa ka midaysan muxaafid iyo mucaaridba, xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisana waa ka go’aan arrin looga shakiyayana ma aha”.ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

 

Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa oo xalay u hoyday Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Hargeysa, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay Deegaamada u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera iyo sidoo kale Magaalada Hargeysa oo dadweynuhu wadooyinka shaaracyada isugu soo baxeen.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *