Hargeysa (ANN)Gaadhigii Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Mr. Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa nin shacab ah ula wareegay dayn qaad xad-dhaaf ah oo uu ka macmiishay muddadii xisbigiisu talada dalka gacanta ku hayey.

Gaadhiga Xoghayaha Guud ee UDUB oo noociisu yahay Landcrusser, lambarkiisuna yahay SL. 30188, ayaa sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa mulkiyaddiisa si rasmi ah ula wareegay oo haatan gacanta ku haya nin shacab ah oo ka ganacsada qaadka oo sida ilahaasi caddeeyeen ku yeeshay dayn dhan $10 kun oo doollarka Maraykanka oo uu muddo dheer kaga macmiishay qaad uu si joogto ah u bixin jiray xilliyadii uu socday ololihii doorashada Madaxtooyada ee xisbigiisa lagaga adkaaday.
fadeexaddan ayaa noqonaysa tii labaad ee soo foodsaarta Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Mr. Jaamac Yaasiin Faarax tan iyo intii ka dambaysay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26kii bishii June ee la soo dhaafay, sidoo kalena waxa maxkamadda kaga socota dacwad labaad oo la xidhiidha dayn xad-dhaaf ah oo uu galay bilihii ugu dambeeyey ee xisbigiisu ganacta ku hayey hoggaaminta dalka Somaliland.
Daynta kale ee xoghayaha UDUB lagu leeyahay oo sida uu qirtay gaadhaysa $35,727 doollar, ayaa markii xisbiga UDUB bixin waayey, waxa xoghayaha UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax dabayaaqadii bishii Augost 2010 looga yeedhay maxkamadda, basle sida uu ku sheegay waraysi uu xilligaas siiyey wargeyska madaxa bannaan Ogaal, ma uu tagin maxkamadda, kadib markii dacwaddiisa ku tilmaamay mid siyaasadaysan.

xigasho Jamhuuriya

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *