wiilka yar1Minnesota(Araweelo News network)Muuse Dayin oo ah Wiil yar oo Soomaali ah, isla markaana dadiisa lagu sheegay sand ayaa kasoo dhacay dhisme 11 dabaq ah oo ku yaal dalka Maraykanka gaar ahaan

 

Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.
Hase yeeshee waxa layaab noqotay in Wiilkaa yar Illaahay badbaadiyay naftiisa, isla markaana dhaawacyo soo gaadhay lagaga dawaynayo Cusbitaal ku yaal Minnesota.
Dhakhaatiirta ayaa sheegay in ay xaaladiisu fiicantahay oo si weyn looga raja qabo in aanay saamayn weyn ku yeelan noloshiisa dhaawacyada soo gaadhay wiilka yar, wuxuuna mid ka mid ah dhakhaatiirta dawayn wiilkaa yar sheegay in dhaawac kasoo gaadhay madaxa, sanbabada iyo gamcaha, balse xaaladiisu rajo wanaagsan leedahay.
Qoyska dhalay Wiilka yar ayaa sheegay in ay dhacdadaasi ku abuurtay naxdin weyn, balse ay layaab ku noqotay oo ay rumaysan waayeen markii dhakhaatiirtu u sheegeen in uu noolyahay wiilkooda Muuse Dayib

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *