somalimemo.netMarka(ANN)Xarakada Al-Shabaab ayaa shaacisay in  ay go’aan aan ka noqosho lahayn ku gaadheen Sarkaalka sirdoonka Faransiiska ee Mr. Dennis Allex, kaas oo ay sheegeen in go’aanka laga gaadhay noqday in la dilo. sidaana waxa lagu sheegay

bayaan kasoo baxay Al-shabaab oo lagu baahiyay maanta barta Tiwitter-ka  ay ku leeyihiin.
.
Al-shabaab waxay ku sheegtay Bayaankaa inay go’aankaa qaateen. kadib weerarkii sabtidii Kamaanduska Faransiisku ku fashilmeen inay soo furtaan Ninkaa, taas oo ay ku tilmaameen inay ahayd mid uu Faransiiski khamaar ku geliyay nolosha Dennis Allex oo ilaa 2009 ay afduub u haysteen.

“Mujaahidiinta ayaa go’aankan gaaray ka dib muddo 3 sanadood ah oo ay gacanta ku hayeen Dennis Allex, dadaal buuxana lagu bixiyay wadahadal in lagu dhameeyo arrinka, balse Faransiiska ayaa laba wajileyn ku dhaqmayay mudadaasi, sidaas oo ay tahayna ma ahayn kaliya inay khiyaanayeen Mujaahidiinta,  balse waxay ku khamaarayeen nolosha Allex” ayaa lagu yidhi bayaanka Al-shabaab ku baahisay Tiwitter-ka.

Sidoo kale waxay qoraalkooda ku beeniyeen  in aanay jirin wada hadallo saraakiisha Faransiiska ay ku sheegeen in ay ku go’aan qaateen weerarkii Buul Madheedh markii ay fashilmeen wadahadalo u socday iyaga iyo Al-shabaab, sidaa darteed weerarka fashilmay ay go’aansadeen ciidamada Faransiisku ka dib markii wadahadalkii ay la lahaayeen Al-shabaab ee arrinta  Allex fashiltay, laakiin Al-shabaab waxay ku sheegeen qoraalkooda in xidhiidhkii  u danbeeyay ee dhexmaray Faransiiska uu ahaa mudo  todobaad ka hor weerarkii Buula Madheedh, kaas oo ay sida ay sheegeen Faransiisku uu waqtigaas dalbanayay  in fursad dheeraad ah  la siiyo,  balse ay ka warqabeen inay  maleegayeen weerarkii fashilmay.

“Ka dib isku daygii badaadinta ee fashilmay, Faransiisku waxay sidaa dhimasho ugu xukumeen Allex, ka dib fashilkoodii “Le Drian” (Wasiirka Gaashaan dhigga Faransiiska) wuu ka warqabay warcelinta ugu haboon ee khiyaanadoodu inay tahay dilka Allex, balse isaga ayaa ka sii hordhacay oo sheegay Allex in la dilay xittaa iyadoo uu nool yahay oo meel aamin ah lagu hayo” ayaa  lagu yiri bayaankaa oo aan lagu xusin qaabka loo fulinayo iyo goorta la fulinayo midna.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *