Nairobi(Araweelo News Network)Dalka Kenya waxa ka bilaabmay saddex cisho oo baroordiiq ah, taas  oo loo samaynayo dadkii dhimashada iyo dhaawacu ka soo gaadhay weerarkii rugta ganacsiga ee Westgate  Mall ee magaalada Nairobi ay ku qaadeen Kooxda A-shabaab Sabtidii hore Afar maalmood ka hor.

Khudbad uu xalay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ka jeediyey telifishannada dalkaasi, waxa uu ku sheegay in ilaa 67 qof oo ku dhintay hawlgalladii weerarkaasi,  kuwaas oo ay ku jiraan lix ka tirsanaa ciidamada nabadgelyada. Waxa kale oo uu sheegay ilaa shan ka mid ah dableydii soo weerartay xarunta Westgate in la diley, 11 kale oo looga shakisanyahay inay ka mid ahaayeen kooxdaa la qabtay. Waxanu xalay ku dhawaaqay Madaxweynuhu in la soo gabagabeeyey hawlgalladii ku saabsanaa qabashada iyo badbaadinta xaruntii Westgate, lagana sifeeyey dableydii xagjirka ahayd ee soo weerartay ee qabsatay rugtaas.
Ilaa iyo hadda waxa lagu jiraa hawlihii sifaynta xarunta, halkaasi oo laga soo faqayo meydadkii ku hadhay. waxa la filayaa inay kor usii kacdo tirada daka meydadka ah ee la helo, iyo kuwa u dhintay dhaawacii soo gaadhay. Welina waxa la rumaysan yahay in halkaasi ay ku sii xanniban yihiin meydad kale oo ku aasan dhismahaa,  kuwaas oo ay  ka mid yihiin xubno ka tirsanaa dabelyda weerarka soo qaadday ee ku dhintay halkaa.
Madaxweynaha Kenya waxa kale oo uu sheegay in gebi ahaanba ay dumeen saddexdii dabaq ee ugu sareeyay dhismahaasi xarunta Westgate Mall, isla markaana aanay tani ahayn warbixintii u danbaysay, isla markaana lana fili karo inay weli jiraan dad ku sii hoos aasan burburka dhsimahaa.
Warbixinta Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ma cadayn in tirada 67 qof ee dhimashadooda uu sheegay yihiin dadkii ku hadhsanaa goobtaa ee afduubka loo haystay iyo in ay yihiin tiradii hore ugu dhimatay oo maalintii doraad maraysay 68 qof, kuwaas oo aanay ku jirin tirada ciidamada Kenaya kaga dhimatay halkaa.
Sidoo kale 11 qof oo Madaxweynaha Kenya sheegay in loo qabtay weerarkaa ma cada in ay ahaayeen kuwo lagu goobta dadka lagu haystay ee dhismahaa iyo in ay yihiin dad lagu qabtay meelo kale oo ka baxsan dhismahaa, waxaana lagu sheegay dadka la qabtay in ay yihiin kuwo looga shakiyay in ay xidhiidh la lahaayeen kooxdaa dhismahaa qabsatay afar maalmood ka hor,balse waxa jira xoggo laga soo xigtay saraakiisha amaanka oo sheegaya in 11 qof laga qabtay madaarka Nairobi mudadii uu socday weerarka Westgate, isla markaana lama hayo magacyada dhawr iyo tobankaa qof oo aanay shaacin dawlada Kenya kuwa ay yihiin iyo wadamada ay kasoo jeedaan, taas oo dhalisay su’aalo badan oo weli ka taagan halka uu ku dhamaaday weerarkii dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall.Laanqayrta cas ayaa dhinaceeda sheegay dhawaaqa dawlada Kenya ka dib in ay jiraan dad badan oo weli raadinaya raq iyo ruux eheladoodii ku jirtay dhismaha Westgate Mall.

Dhinaca kale kooxda Al-shabaab ayaa sheegay in warbixinta dawlada Kenya aanay ahayn mid dhab ah, iyagoo sheegay in dadkii ku jiray halkaa oo gaadhaya 135 qof loo adeegsaday hub sun ah iyo noocyo sun ah oo lagu  buufiyay dhismahaa, isla markaana ay is qarxiyeen kooxdii haysatay oo ay sheegeen in ay ahaayeen kuwo marka horeba iyagu u socday dhinaca aakhiro.
Maanta ayay khuburo dhinaca baadhitaanka ah oo isugu jira British iyo Kenyan burburka dhismaha ka bilaabeen hawlgal la doonayo in lagu xaqiijiyo raad raaca kooxda dadka ku haystay halkaa afarta maalmood iyo sidii loo heli lahaa maydadka dadka maqan, waxayna dawlada Kenya weli sheegaysaa in Haweenayda Britishka ah ee lagu  Samantha Lewthwaite ay suurta gal tahay inay ka mid ahayd dadkii dhismahaa haystay iyada iyo laba ama sadex qof oo Soomaali haysta dhalashada Maraykanka, balse ilaa hada ma jiraan cadaymo loo hayo arrimahaa, waxaana jira warar dhinaca warbaahinta Britan laga soo xigtay oo sheegaya in aanay haweenaydaasi qayb ka ahayn weerarkaa ee ay ku mashquulsantahay xanaanaynta caruurteeda, isla markaana ay nooshahay oo ay ku sugantahay woqooyiga  Ireland sida laga soo xigtay Ayeydeed Elizabeth Allen.
Dadka reer Kenya ayaa is weydiinaya 85 su’aalood oo la xidhiidha dhacdadaa, waxayn a sida lagu faafiyay dukumentiyo lagu soo bandhigay boggaga Internetka doonayaan in su’aalaha ay ka jawaabo dawlada Kenya.
jaamac132@gmail.com

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *