Kaqila dib markii aannu aragnay in guusha keli ah ee ilaa hadda laga gaadhey yoolka isbahaysiga uu noqday soo-xerogelinta odayada dadku u yaqaannaan “Labada Faaruq ee Finland”, halka aannu marka ay na horjoogaan ugu jeesjees yeedhno “Labada Faaruuq”;

 

 

 

Ka dib markii ay kulan degdeg ah isugu yimaaddeen gebi ahaanba katirsanayaasha Isbahaysiga ku abtirsada Gabboodka Talo Qasan oo ay dhowaan ku so biireen koox ka tirsan Baarlamaanka oo ku mitidaya in loo aqoonsado hormuudka ururrada qaylo-ku-maalka dalka, ayna ka soo qaybgaleen Xisbigooda-Quudhsadayaasha Laba-Guddoomiye Cirro iyo Faysla Beel-Duraha dhowaan ku wada biiray Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Taban;

 

 

Ka dib markii aannu hayn weyney dhamacda siyaasadeed ee cirka ku dubatey  isbahaysiga Gabboodka Talo Qasan, Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Taban iyo labada Xisbi ee hadda ka hor loo yiqiinney xisbiyada Mucaaradka ee heer Qaran;

 

Ka dib markii aannu dheehannay in aan wax la qabto oo la sheegaaba ka hadhi doonin hayaanka tooraha dheer ee xukuumaddan maanta jirta, taasina aanay dani ugu jirin Isbahaysiga;

 

Ka dib markii ay noo caddaatay in aan taageerada dhaqaale ee laga helo Somaliland-diidku muddo dheer sii socon doonin, isla markaana carruur iyo cirrooleba lagu ilbaxay doodaha muranka-xoogeeya ee xubnahayaga firfircoon ee safka hore lagu tukhuntukhiyo ee ay ka midka yihiin Keligii-Xariif, Keligii Mujaahid, Keligii Aqoonyahan, Keligii Qoraa, Keligii Siyaasi, Keligii Guddoon, Keligii Dullaal, Keligii Xayraan, Keligii Dhoof, Keligii Miskiin, Keligii Qudhqudho, Keligi Qaswade, Keligii Buubaal, Keligii Mooye iyo ragga kale ee la raaca ah;

Waxa  Aannu hal-daba-la’ iyo Ha-is-raacdo ku Go’aaminey:

In laga faa’iidaysto khuurada dheer ee ka soo yeedheysa Galaha ismacaashsiiyey ee kaadarkii u codkarsanaa Kulmiye oo rag iyo dumarba leh, halkoodana loogu geedeeyo;

In la dardar geliyo jahawareerinta maatida, aqoonyaraha, xoogsatada, ardayda, qolqoljoogta, qurbajoogta, galayaasha facebook’ga, iyo inta la halmaasha si aan sac sac ugu raacin kooxdan dibedda noo tuurtay qamaamuurtayadii  duurjoog iyo degeljoogba lahayd;

In gacanweyn la siiyo Laba-Guddoomiye Cirro oo , isaga oo Guddoomiye Xisbi Mucaarad ah, haddana guddoomiya  golaha awoodda badan ee Xukuumadda ee Wakiillada, kaas oo ah cadawga kowaad ee Gabboodka iyo Isbahaysigiisa; iyada oo si balballaadhan loo muujinayo suurtagalnimada iyo xikmadda ISKU_MUDAHARAADKA  ee ku suurtagalay oo keli ah aragtida  fog ee Laba-Guddoomiye Cirro;

 

In saxaafadda inteeda ah qalin-ku-dirirka inna taageerta ee aan waxa loogu yeedho waddaniyadda  far lo darin lagu dhiirigeliyo jidka cusub ee ay saxaafadda caalamka u jeexeen ee ah Dhinac-weerarka , xaalad-abuurka, wardoon-la’aanta, diin la’aanta, damiir-boobka, qabac-dagaalka, sharuur-doonka, fawdo-abuurka, suugaan-dilka, qoraal-jiidhka, taxane-doondoonka, iwm. Si aan looba ledin hadday teenna noqon weydo;

 

In la abuuro unugyo  aan dhinacooda dhulka la dhigin oo u kala qaabilsan Gabboodka iyo Isbahaysiga   kharbudaadda , gacansiinta hor-iyo-dabadiidka, hoojiyayaasha talo kasta oo sugan, hojiyayasha horumarka togan, furfurayaasha wadajirka, hoos-dhigayaasha waddaniyadda, horboodayaasha dib-u-dhaca, halgamayaasha khayr-la-dirirka, horjoogayaasha ma-soo-halgamayaasha, iwm.

 

In, ugu dambayntii, bulshada la baro astaamaha u gaarka ah Gabboodkan iyo ka-tirsanayaashiisa si xybnaha bulshada ee danaynayaa ugu kala biiraan soddonka madalood, goleyaal iyo ardaayo ee Gabboodkani kulmiyo

Madalaha

1. Madasha Dantood-jirayaasha

2. Madasha Wada Tashiga & Toosinta Taban

3. Madasha Hor-iyo-daba-Diidka

4. Madasha Xamar-la-Heshiiya

5. Madasha Kayraadku-Waa-Kee

6. Madasha Dhiirrigelinta Tahriibka

7. Madasha Tacluustiyo Tawsta

8. Madasha Haddaan-talo-Doonay

9. Madasha Hurdaaban-ka-Toosay

10. Madasha Hayee-Wax-Na-Siiya

Golayaasha

1. Golaha Keligii-Fariidka

2. Golaha Qurxinta Tawaawaca

3. Golaha Midaynta Muqdishiyo Hargeysa

4. Golaha Qaylo iyo Qayraan

5. Golaha Haweenka Baxdoobay

6. Golaha Fadhi-ku-Dirirka

7. Golaha Maalin-ku-Macaashka

8. Golaha Wegerta Bahawday

9. Golaha Wadaadka Beloobey

10. Golaha Wanjalaadda

Ardaayada

1. Ardaaga Muwaadin Saqiiray

2. Ardaaga Dalkaan-la-colloobay

3. Ardaaga Indha-adaygga

4. Ardaaga Waxbaa La Cunaayey

5. Ardaaga Abaabulka Beesha

6. Ardaaga Dulmane-Doonka

7. Ardaaga Masayrka

8. Ardaaga Maqlaayda

9. Ardaaga Ma-geyno

10. Ardaaga Fadhiidka

Talona Waa Tan Gabboodka

Mudane Gheelle Talowaa

 

Xoghayaha Guud ee Gabboodka Talo Qasan

taloqasan.network@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *