Hawl-wadeenada Wargeyska Hubaal Oo Xoriyadooda Loo Celiyay Iyo Laptop-yo Ay Ciidamada Boolisku Kala HadheenHargeysa(Araweelo News Network) Lab aka mid ah hawlwadeenada Wargeyska Hubaal oo Ciidamada amaanka Somaliland xabsiga u taxaabeen doraad galab kadib markii ay la wareegeen gebi ahaanba

xarunta wargeyska Hubaal ayaa xoriyadooda loo celiyay galabta.

Cismaan Axmed Cismaan (Cismaan Heelo) iyo Mustafe Maxamed Cabdullaahi(Faro) ayaa lasoo daayay galabta kadib markii ay Afar caana maal ku xidhnaayeen Saldhiga Dhexe ee Hargeysa.
“Waxa nala soo daayay Galabta, xaaladayadu way fiicantahay wax dhibaato ah oo naloo geystay ma jirto, waxa nalaga reebay laba Laptop oo aan anigu lahaa” sidaa waxa yidhi Cismaan Heelo oo ka mid ah laba hawlwadeen ee lasoo daayay.

Mar aanu weydiinay sababta looga reebay Laptop-yada waxa uu sheegay in aanu garanayn, balse ay ciidamada Boolisku su’aalo ka weydiyeen maclumaadka kun jira labada Laptop, isla markaana uu u sheegay waxa ku jira. Kadibna ay u sheegeen in ay baadhayaan.

Ciidamada Booliska ayaa la wareegay xarunta wargeysk laba maalmood ka hor, iyagoo ku dooday in ay wataan warqad maxkamadeed.

Wargeyska Hubaal oo ah wargeyska ugu afdheer wargeysyada kasoo baxa Hargeysa waa markii labaad ee sidan oo kale ay ciidamadu la wareegaan.

Sida la ogyahay waxa horaantii sanadkan lala beegsaday xarunta wargeyskaa dhacdo fool xun, kadib markii weerar 24 April  2013 lagu soo qaaday Xarunta Wargeyska, kaas oo  laba nin oo Afka soo duubtay, isla markaana ku hubaysan Baastoolado iyo Tooriyo goor caweys habeenimo ah soo weerareen xarunta, iyadoo aanay Xukuumadda Somaliland meela u jahayn weerarkaa iyo ciddii ka danbaysay oo aan sharciga la horgayn tan iyo mudadaa oo laga joodo sideed bilood.
Waxaana taa bedelkeeda la xayiray xarunra wargeyska Hubaal, balse Xayiraada Wargeyska Hubaal oo mudo laba bilood ka badan xayirnaa ayaa xukuumaddau suoo celisay 18 August sadex bilood ka hor.

kadi markii Madaxweynaha Somaliland oo aqbalay dalab ay u gudbiyeen koox suxuyiin ah iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan.

Xukuumadda ayaa u muuqata in ay  ka gubatay wararka iyo dhacdooyinka uu daabici jiray wargeysku, taas oo sababtay in xayiraad la saaro horaantii Jun 2013, isla markaana ciidamada Boolisku la waregeen xaruntii wargeyska, waxayna Maxkamadda gobolka Hargeysa oo ay ka socotay dawcada la xidhiidhay xayiyaada wargeyska, balse garsooraha kiiska qaadayay 3 July 2013   si lama filaan ah xukun iyo ganaax ugu riday  Gudoomiyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Jaamac Caloolay iyo Tafaftiraha wargeyska Xasan Xuseen Cabdullaahi (Xasan Keef-Keef), kuwaas oo wasiirka warfaafintu ka shaqeeyay sidii damiin loogu sii deyn lahaa, isla markaana ku guulaystay, balse mar kale ayaa Todobaadkan xayiraad la saaray Wargeyka, iyadoo maalin ka hor uu qoray khilaaf uu sheegay in ay ka dhex jiraan Madaxda u saraysa Ciidamada Booliska.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *