Gudoomiyaha Wakiiladda Somaliland Oo Qirtay Inuu Warqad Kabaxsan Nidaamka Dawliga U Qoray MadaxweynahaHargeysa(Araweelo News Network)Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Somaliland, isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa

 

 

markii u horaysay jawaab rasmi ah ka bixiyay qoraalka warqad warbaahinta Somaliland maalmahan kusoo noq-noqonaysay oo uu Madaxweynaha Somaliland u qoray.

 

Warqadaa oo aan si dhab ah loo ogayn ujjeedada iyo nuxurka ay xanbaarsanayd, balse lagu sheegay in ay ahayd mid uu gudoomiyaha Wakiiladda oo ah Hay’adda sharcidejinta madaxweynaha kaga codsaday in uu shirka mucaaradka lagu wareejiyay ee siyaasiyiinta kale dabab ka riixayso kasoo qaybgalo.

 

Dad badan ayaa markii ay warbaahinta ka  arkeen durbadiiba ku dooday in aanay macquul ahayn in Gudoomiyaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro oo ah hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah uu qoraal nuxur ahaan xanbaarsan arrimahaa oo kale u dirayo Madaxweynaha Somaliland oo ah (Head of satate), taas oo ay ku doodeen in ay tahay mid anshaxa iyo nidaamka dawliga ah ka baxsan marka la eego nuxur ahaan waxa ay warqadaasi ka hadlayso, maadaama ay tahay mid madaxweynah loogu baaqayo inuu ka qaybgalo shirka ay wadaan oo ay xukuumaddu hore u sheegtay in uu yahay shirweyne qaran mid aan waafaqsanayn dastuurka oo aanay xaq u lahayn mucaaradka iyo kooxo siyaasiyiin ah in ay ku baaqaa, balse haddii loo baahdo shir noocaas oo kale ah ay tahay cida keliya ee ku baaqi kartaa Madaxweynaha Somaliland.

 

Jiritaanka warqad noocaas ah in loo qoray Madaxweynaha waxa beeniyay Dr.  Maxamed Cismaan Fadal oo ah Xoghayaha Arrimaha Debeda ee Xisbiga WADDANI, isla markaan Guddoomiy ka ah Hay’ad samofal oo lagu magcaabo SORADI.

Dr. Fadal oo Wargeyska Geeska Afrka ee kasoo baxa hargeysa shalay 14 Dec 2013 siiyay waraysi waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin waqradaa warbaahinta qaarkeed qoreen oo lagu sheegay in ay Madaxweynaha u gudbiyeen.

 

Hase yeeshee Gudoomiyaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro ayaa qiray maanta mar ay koox weriyayaal ah kula kulmeen xafiiskiisa oo ay wax ka weydiyeen jiritaanka warqad uu Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay, “Way Jirtaa Warqad aan Madaxweynaha u qoray ayuu yidhi.

 

Dhawaaqa noocan ah ee uu Gudoomiyaha Wakiiladdu ku qirtay qoraalka warqad ku baaqay shirweyne qaran ayaa u muuqda mid Gudoomiye Cirro uu ku gawracay hankiisa siyaasadeed iyo tuhunkii bulshadu ka qabtay in uu yhay hogaamiye siyaasi ah, waxayna qirashada inuu Madaxweynaha u gudbiyay warqada noocaa ah muujinaysaa in gudoomiyaha Wakiiladda, isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee WADDANI ka talaabsaday xayndaabka nidaamka dawliga ah, xeerarka iyo dastuurka dalka, isagoo ku baaqaya shir dib u heshiisiin qaran sida, isla markaana doonayo in uu Somaliland u ekeysiiyo dalalka aanay ka jirin nidaamka dawladeed iyo kal danbayntu ee dagaalada iyo rabshaduhu aafeeyeen sida  Yamen, Somalia,  Suuriya Libiya, Masar iyo meelo kale.

 

Si kastaba ha ahaatee waxa bulshadu indhaha ku haysaa jawaabta uu Madaxweyne Siilaanyo ka bixiyo jar iska xoornimada Gudoomiyaha wakiiladda Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *