Ukraine (ANN) Haweenaydii Raysalwasaare ka ahayd Dalka Ukraine Raiisalwasaarihii Mrs Yulia Tymoshenko ayaa lasoo taagay Maxkamad ku taala dalkaa, waxaana lagu xukumay toddobo sano oo xadhig ah. ka dib markii lagu eedeeyay inay gashay mudadii ay dalkaa ka talinaysay ku tagrifal
Garsooraha ayaa sheegay inay Mrs Tymoshenko ay sharciga jabisay, isla markaana ay waddanka Ukraine talaabada ay qaaday usoo jiiday khasaare dhinaca maaliyada ah oo lagu qiyaasay lacag ku dhow laba boqol oo milyan oo Dollar.
Markii uu soo baxay go’aanka maxkamadda ee xukunka lagu dhawaaqay Waxaa jiray rabshado ka dhashay maxkamada agteeda oo dhaxmaray boliiska iyo taageerayaasha Yulia Tymoshenko.
Yulia Tymoshenko ayaa sheegtay inay is difaaci doonto wax walba oo ka soo baxagoaanka maxkamada
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com