Hargeysa(ANN) Haweenayda Ku Xigeenka Kaaliyaha Africa ee Hay’adda Mucaawimooyinka u qaabilsan Dalka Maraykanka ee loo soo gaabiyo, USAID, isla markaana qaybteeda caawimooyinka u qaabilsan Qaaradda Afrika, Rajakumari Jandhayala, ayaa soo gaadhay Magaaladda Hargeysa, taas oo
Haweenayda Ku Xigeenka kaaliyaha Madaxa Afrika u qaabilsan USAID, Rajakumari Jandhyala, ayaa tidhi, iyadoo ka warbixinaysa safarkeedan ay ku timid Somaliland, “Aad baan ugu faraxsanahay inaan arko waxa ay dadka reer Somaliland iyo hay’adda USAID ay wada qabteen.” Waxaanay intaas ku dartay: “Taageeradda laga gaysanayo dhinacyadda kobcinta dhaqaalaha, waxbarashadda iyo kor u qaadida xirfadaha dhalinyaraddu waa waxa runtii si dhab ah u taabanaya nolosha dadka, waana arrinta ay hay’adda USAID u abuuran tahayba. Waxaan rajaynayaa inaan arko wajiga labaad ee kan xiga ee ku saabsan barnaamujyada aanu gacanta ka gaysanayno ee kuwan la xidhiidha.”
Hay’adda USAID ayaa Sannadkan 2011, waxay ku bixisay lacag gaadhaysa $ 20 milyan oo Dollar si wax looga qabto hawlaha la xidhiidha taageeradda dhinaca horumarinta ee la xidhiidha dhinacyadda, dhismaha dawladnimo, waxbarashadda, dhaqaale u abuurida dhalinyaradda, kobcinta dhaqaalaha iyo ilaalinta nabadgalyadda.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com