London(ANN)Haweenayda haysta taashka Boqortooyada guunka ah ee Britain, Princesses Elizabeth, ayaa sheegtay in dowladdeedu ay ka shaqeyn doonto sidii xasillooni looga heli lahaa gobolka Geeska Afrika. Elizabeth oo maanta qudbad ka jeedisay fadhigii

 

aqalka Baarlamaanka ee Britain.
Haweenayda Boqortooyada  Britain oo qudabad  sanadeed ka jjeedisa  aqalkaa Baarlamaanka, ayaa ka hadashay  mushkiladaha  iyo dhibaatooyinka qalalaase ee ka jira meelo baddan oo aduunka ah, waxayna qudbadeeda ku qeexday siyaasadda ay dowladda Britain ku shaqeyneyso ee dalka Britain iyo xidiidhka siyaasada caalamka, iyadoo  tilmaantay in dowladdu ay ka shqeyn doonto in aan huba Nukliyeerku baahin, isla markaana xasilooni loogu soo dabaali lahaa meelaha qalalaasuhu ka taaganyahay.
Princesses Elizabeth,  waxay si cad u  sheegtay inay  dowladdeedu  taageeri doonto sidii madaxbannaani siyaasadeed iyo mid dhaqaale ay u gaadhi lahaayeen waddamada Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika ee ku jira xaaladda kala guurka ah. waxa kaloo ay ka hadashay siyaasada gudaha ee dalka Britain iyo shuruucda qabyada ah ee Baarlamaanka horyaal, kuwaas oo ay sheegtay in baahi weyn loo qabo meel marintooda, kuwaas oo qaarkood ka hadlayaan sidii ay Hay’addaha wax basaasa ugu suurta geli lahayd inay kaantaroolaan shebekadaha social Media  iyo E-mailada. si nabadgelyada loo sugo.

xeerarkaa waxa kaloo ku jira qorshayaal la doonayo in dib u habayn lagu sameeyo golaha House of lords oo ku dhowaad todoba boqol, oo sanadood jiray iyo sidii wax looga qaban lahaa dhaqaalaha Britain,  shaqo la’aanta iyo adeegyada bulshada arrimaha amaanka iyo xuquuqda aadamaha.
Dhawaaqa Haweenayda hogaamisa Boqortooyada Britain Princesses Elizabeth,  ayaa kusoo beegmay iyadoo dawladda Britain labadii sanadood ee u danbeeyay  si cad u muujisay doorkii siyaasadeed  ee ay ku lahayd siyaasada aduuunka, isla markaana qalalaasaha gobolka Geeska afrika oo mushkilada ugu cabsida weyn ee labaatankii sanadood ee ugu danbeeyay ka taagani tahay mushkilada Somalia.
dawladda Britain, ayaa  xal u helida arrimaha Somalia si toos ah ula wareegtay sanadkii u danbeeyay, isla markaana dalkeeda ku qabatay shirkii xalka loogu raadinayay mushkilada Soomaalida , kaas oo 23 Feb 2012 lagu qabtay London, isla markaana ay kasoo bexeen qodobo wax ku ool ahaa , kuwaas oo la doonayay in xal loogu helo mushkilada iyo qalalaasaha Somalia ka taagnaa labaatankii sanadood ee u danbeeyay oo khatar ku ah mandaqada geeska afrika iyo gobolkaba, waxayna weedhaha Princesses Elizabeth, u muuqdeen kuwo si cad u iftiiminaya sida aanay dawladda Britain uga hadhin meel marinta qodobadii kasoo baxay shirkaa oo beesha caalamku ku go’aamisay inay Somaliland iyo Somalia mustaqbalkooda siyaasadeed ka wada hadlaan si aanay Somaliland ugu dabranaan mashaakilka xalka loo waayay ee Somalia. maadaama ay Somaliand ahayd mudo dheer xiligii gumaysiga mustacmarad u ahayd United Kindom. Kadib markii ay heshiis kala saxeexdeen Odayaashii Somaliland iyo Boqortooyadii Britain 1887, taas oo 1960 Somaliland siisay xornimo buuxda, balse ku luntay Midawgii Somalia. laakiin halgan dheer ka dib ay Somaliland dib ula soo laabatay xoriyadeedii 18 May 1993. balse labaatankii sanadood ee u danbeeyay ay Somaliland ka raadinaysay mujtamaca aduunka  aqoonsi caalami ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *