Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga talladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay kulan gaara oo ay Muj. Ibraahin Dhegawene oo ah gudoomiyaha Ururka UDHIS ee hadhay ku yeesheen gurigiisa. Kadib markii maalmihii u danbeeyay warbaahinta uu

 

gudoomiyaha UDhis ku dhaleecaynayay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isagoo ka mid ahaa Ururada ku hadhay tartankii ee ku baaqay Mudaharaadka xukuumaddu hor istaagtay.
Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, wuxuu sidaa ka sheegay kulankaa oo shalay ahaa ka dib mar uu xalay  waraysi ujeedada kulankaa wax lagaga weydiiyay uu siiyay Telefishanka Horn Cable TV. Muuse Biixi waxa kale oo uu  dawladda TFG-da Soomaaliya ugu baaqay inay Somaliland ka dayso faro-gelinta ay ku hayaan xuduudaha dalka, waxaanu tilmaamay inaan dastuurka Soomaaliya waxba ka khusayn Somaliland.
Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyay dhex dhexaadin la sheegay inuu ka dhex wado Ururka UDHIS oo ka mid ahaa 9-kii urur siyaasadeed ee ku hadhay qiimayntii ururadda siyaasadda iyo ujeedada kulanka isaga Muj Dhegaweyne wuxuu  yidhi,  “Horta erayga dhexdhexaadin waxa la dhexdhexaadiyaa laba dhinac oo is haya. Horta laba dhinac oo is-hayaa ma jiraan. Dhega-weyne waanu is aragnay horena waanu isu-arki jirnay inaanu maalin wada qayilno iyo inaanu maalin wada qadaynaba, horeba waanu isu-arki jirnay. Tan immika waxaanu isku arragnay Gurigiisa oo waxaanu nahay rag saxiibo ah oo meel walba is-kugu taga.”
. “Waxaan ummaleynayaa arrin immika ciddi ergo u tagto oo dhex-dhexaadin ka gasha Ururadda iyo xukuumada in aanay jirin oo cid is haysaa immika ma jirto. matalan Ururadda hadhay maxay nagu leeyihiin?. Waxay nagu leeyihiin waxay sheeganayaan in loo caddeeyo, taa malaa waxay leedahay wado ama Maxkamad ha noqoto ama xukuumadda ha noqoto cidday ka cabanayaan inay maxkamadda u gudbiyaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha Kulmiye  sidoo kale waxa uu sheegay inay jirtaa cid Xukuumadii ay is-hayaan, isagoo yidhi, “ Ururo immika ku soo taagan ma jiraan oo xisbiga leh ha la I qanciyo waa in la qanciyaa. Qoladii diwaan-galinta xaq bay u leeyihiin inay u sheegaan sidii ay ku hadheen, wayna ka wada-hadleen.
Dhega-weyne iyo aniga iyo ILAAHAY uun baa is ogaa, waana caadi in laba saxiiba ay is arkaan. Dhega-weyne iyo Ururkiisu wixii ay ka cabanayaan ee ay ku doodayaan ee Distuuriya ee sharciya xaq bay u leeyihiin, Ha’yadda ay ka cabanayaana xaq bay u leedahay inay u cadayso, waanay isla dhamaysanayaa oo waxba isla wayi mayaan. Dhage-weyna iyo cidiisa waa dad aan dalka looga baqayn oo xaq ku leh.”
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee muxaafadka ah waxa uu ka hadlay Dastuurk qabyo qoraalka ah ee Dalka Soomaaliya ee doodiisu ay ka socoto Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Dawlada TFG ee Soomaaliya ay faragalinta ka dayso dalka Somaliland waxaanu yidhi. “Arrinta Xamar ka socota iyo Distuurka Somaliland oo ah Dalkii la odhan jiray Biritish Somaliland ama maxniyadii Ingiriiska dalkii ka qaatay xoriyada 26 June 1960-kii xuduudihii ay lahayd waa lama taabtaan oo Distuurkaas Somaliland maaha mid khuseeya.” Ayuu yidhi Muuse Biixi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *