Hargeysa(ANN)Dhegeysiga fadhigii sadexaad ee maxkamadda gobolka Hargeysa ee dacwada  Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo maanta hore loogu mudeeyay , ayaa baaqatay. Kadib markii uu ku gacansaydhay inuu kasoo xaadiro maxkamadda. Sida  ay

 

shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen saraakiil ka tirsan garsoorka Somaliland, boqor Cismaan ayaa saaka loo diray gaadhigii la doonayay in lagu keeno maxkamadda, balse wuxuu diiday inuu hor yimaado maxkamadda.
Boqor Cismaan Buur-madaw, ayaa fadhigii labaad ee dhegeysiga dacwadiisa ka sheegay inaanu dib ugu soo laabanayn maxkamadda ilaa inta uu arkayo garsoor cadaalad ah oo ka madax banaan siyaasada.  Kadib markii ay qareenada u doodayay ka bexeen difaaca kiiskaa, iyagoo ku dooday inay xeer Ilaalintu fulin weyday go,aan fadhigii u horeeyay ee dhegeysiga dacwada laga soo saaray oo ahaa inay soo bedelaan eeddaha ay maxkamadda hor keeneen oo aan waaafaqsanayn dacwadooda, haddii kale ay maxkamaddu go,aan kasoo saaray kiiskaa. Laakiin Xeer Ilaalinta ayaa u hogaansami weyday awaamiirta maxkadda, iyadoo gudoomiyaha maxkammada gobolka ee kiiskaa garsooraha ka ahaa  C/rashiid Duraan ka laabtay go,aankiisii hore ee xeer Ilaalinta uu ku amray, balse qareenada difaacayay  sidaa kaga baxeen difaaca kiiskaa
Tan iyo Markii Boqor Cismaan Aw Maxamuud loo taxaabay xabsiga  badhtamihii  bishii March, waxa soo baxayay baaqyo gudaha iyo debedaba kaga imanayay xukuumadda oo lagu canbaaraynayo xadhigiisa, iyadoo baaqyadaasi ka imanayeen Haya’addaha  caalami ah ee xuuquqda Aadamada ,  waxaana ugu danbeeyay baaqyada xukuumadda lagaga dalbanayo in xoriyadiisa loo soo celiyo Boqor Cismaan 81 Madax-dhaqameedka Salaadiinta Somaliland  oo laba maalmood ka hor kulan ay xukuumadda la yeesheen kaga dalbaday in xoriyadiisa loo celiyo Boqor Buur-madaw.
Sidoo kale Todobaadkan gudihiisa waxa xabsiga  dhexe eek u xidhanyahay ku booqday Boqor Cismaan  saraakiil ka socotay Hay’adda caalamiga ah ee  Human Rights Watch, iyadoo ay horena Dublamaasiyiin shisheeye, Madax-dhaqameedka Somaliland iyo qaybaha kale ee Bulshadu baaqyo lagu canabaaraynayo xadhigiisa kasoo saareen,  balse dhawaa qyadaa  ayaa noqday kuwo ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dhegaha ka furaysatay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *