Hargeysa(ANN) Aqalka Odayaasha ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa isugu yimi maanta fadhi aan caadi ahayn, iyagoo ku gudo jiray fasaxoodii caadiga dastuuriga ahaa. Kadib markii  kalfadhi aan caadi ahayn oo shirgudoonku iskugu yeedhay mudanayaasha guurtida.

Fadhiga aan caadiga ahayn oo maanta uga furmay golahaa Dhismaha Baarlamaanka, waxa kasoo qaybgalay 44 Mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaanka  ee Aqalkaasi ka kooban yahay. Guddoomiye Ku xigeenka koowaad Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, isla markaana ah ku simaha gudoomiyaha oo hadal u jeediyay Mudaneyaasha ayaa sheegay in golaha loogu yeedhay si ay doorkooda uga qaataan wacyigelinta bulshada ee la xidhiidha dhinaca ammaanka, waxaanu tilmaamay in xeer hoosaadkooda iyo dastuurkuba u ogol yahay inay kal-fadhiyo aan caadi ahayn yeeshaan marka hawlo deg deg ahi soo waajahaan.

Weedhaha gudoomiye xigeenka guurtidu ku sharaxay ujeedada fadhiga aan caadiga ahayn. Kadib waxa Mudaneyaasha fadhigan ka soo xaadiray loo qeybiyay ajandaha kalfadhigan aan caadiga ahayn, kaas oo  qodobada lagaga lagaga hadlayo  ay ka mid yihiin, Warbixinta shirgudoonka Golaha, Dooda iyo falanqeynta xaalaaddaha  taagan ee dhinacyada nabad gelyadda iyo siyaasadda dalka

Sidoo kale ajandaha kalfadhiga aan caadiga ahayn, waxa lagu xusay in goluhu xogwaran la yeesho masuuliyiinta qaranka qaarkood, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliyaha Ciidanka Booliska, Wasiirka Arrimaha dibadda, masuuliyiinta kale ee loo baahdo  iyo arrimo kale.

Gudoomiye xigeenka golaha, isla markaana ah ku simaha gudoomiyaha oo fadhigaa gudoominayay  ayaa gebo-gebadii fadhigaa Mudaneyaasha kasoo xaadiray u weydiiyay  cod gacan taag ah  inay ku ansixiyay ajandaha kalfadhigaa aan caadiga ahayn, kaas oo dhamaan mudanayaasha kasoo xaadiray u codeeyeen, sidaana ku ansaxay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *