London (Araweelo News Network) Haweenaydii Wasiirka ka ahayd Xafiiska Arrimaha Dibadda dalka Britain Baroness Sayeeda Warsi oo ahayd haweenaydii u horreysay ee

 

Muslim ah oo ka mid noqta golaha wasiirrada ee dalka Britain, isla markaana xubin muhiim ah ka ahayd xukuumadda David Cameron, ayaa xilkeedii iskaga casishay. Kadib markii ay ka biyo diiday xasuuqa ciidammada Yuhuuddu u gaysteen shacabka Falastiin ee Qasa oo dawlada Britain daawanaysay.

Warsi oo warqadda iscasilaadeeda u gudbisay Ra’iisal-wasaaraha dalkaasi Salaasadii maanta, waxay sheegtay in aanay u adkaysan karin siyaasadda Ingiriiska ee ku wajahan xasuuqa Israa’iil ka wado Qasa, waxaanay tidhi, “Intaa wax ka badan ma sii taageeri karo siyaasadda dawladda ee Qaza. Afartii toddobaad ee u dambeeyey waxaan waxaan sameeyey wax kasta oo aan awood oo isugu jira kulmo rasmi ah iyo kuwo aan ahayn oo aan isku dayayey inaan kaga dhaadhiciyo dawladda in aan siyaasaddayada waqtigan ee Qasa ahayn mid la difaaci karo, taas oo saamayn xun nagu yeelanaysa dibadda iyo gudaha labadaba.”

“Haseyeeshee, waxaan dareemay in aan mowqifka dawladdu mid dhaqaaqaya ahayn, sidaa darteed, waxaan aaminsanahay darteed waa in aan is casilaa,” ayey tidhi Wasiir Warsi.

Dhinaca kale, Ra’iisal-wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron oo ka jawaabay iscasilaada iyo dhaliilaha wasiirkiisii xafiiska arrimaha dibadda, caddaaladda iyo bulshada, ayaa sheegay inuu ka xun yahay arrintaasi, isagoo qiray in waxa Qasa ka dhacay tahay waxaan loo dulqaadan karin.

“Aad baan u qoomamaynayaa in aanaan awoodin ka hadalka go’aankaaga hadda ka hor, waan dareemayaa dareenkaaga xooggan ee la xidhiidha qalalaasaha waqtigan ee Bariga Dhexe, xaaladda Qasa waa mid aan loo dulqaadan karin,” ayuu yidhi Cameron.

Haseyeeshee, Ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee xisbiga Liberal-ka Nick Clegg, ayaa difaacay tallaabada ay isku casishay Haweenayda wasiirka muslimka ah ee Weris, isagoo sheegay in Israa’iil ka gudubtay heerkii caadiga ahaa, isla markaana waxa uu soo jeediyey in dawladda Britain kala noqoto Israa’iil liisamada hubka ay kaga iibiso.

Dhinaca kale xabad-joojin 72 saacadood ah oo ay gaadheen Xamaas iyo Israa’iil ayaa dhaqangashay subaxnimadii Salaasaddii, iyadoo ciidammada Yuhuuddu iskaga baxeen marinka Qasa, kadib khasaare markii ay suurta gal noqonwayday in ay gaadhaan ujeedadii iyo hadafkii weerarka Cirka, Dhulka iyo Badda ahaa ee ay ku hayeen Qasa Afar todobaad iyo saacado, kaas oo ay keliya waxyeelo iyo xasuuq ugu geysteen kumaan shacbiga Reer Falastiin ah oo u badan dumar iyo caruur, balse iska caabinta Xamaas ayaa noqotay mid barqa-jebisay kibirka Israel, waxaana soo waajahday canbaarayn caali ah oo dusha looga saarayo Israel in ay samaysay xasuuq iyo falal ka dhan ah Xuquuqda caalamiga iyo xeerarka dagaalka mudadii ay duqaynta ku haysay Qasa oo ay bartilmaameed ka dhigatay Goobaha waxbarashadda, xarumaha Caafimadka, Masjidada iyo Guryaha shacabka.

info@araweelonews.com
Hargeysa Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *