Hargeysa (Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan albaabada loo xidhay la yeeshay wefdi uu hogaaminayo

 

wakiilka IGAD u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo maalmahan ku sugnaa Somaliland.

Kulnkaa oo maanta ka dhacay xafiiskiisa Madaxweynaha, ayaa ahaa mid aanay saxaafadu goob-joog ka ahayn, waxaana Madaxweyne Siilaanyo ku weheliyay Madaxweyne-ku-xigeenkiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Markii uu dhamaaday Kulankaasi waxa warbaahinta sharaxaad kooban ka siiyay waxyaabaha lagaga wada wahadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wakiilka urur-goboleedka IGAD u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, kuwaas oo wadajir u sheegay in kulanka lagaga hadlay sidii loo kobcin lahaa xidhiidhka labada dhinac ee Urur-goboleedka IGAD iyo Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, waxa uu sheegay in IGAD mudadii ay joogeen Somaliland ka hor intii aanay soo kormeerin Dugsiga Sheekh ee ay maamusho IGAD, wuxuuna xusay in Somaliland iyo IGAD wax badan ka wada shaqeeyaan, isla markaana ay uga mahad celinayaan booqashadooda Somaliland, gaar ahaan Wakiilka watay wefdiga Amabassador Maxamed Cabdi Afey.

Wefdiga IGAD, ayaa hore uga hadlay doorashooyinka Somaliland ee aan weli la cayimin oo ay sheegeen in ay danaynayaan in aan dib u dhac ku iman, balse wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ma xusin in kulanka ay Wefdiga IGAD la yeesheen Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa lagu soo qaaday arrinta doorashada ee ay hore usoo hadal qaadeen iyo in kale.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *