Hargeysa (Araweelo News Network) Guddoomiyaha xisbul Xaakimka Kulmiye ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyey in dib loo dhigay shirka Golaha Dhexe ee

 

xisbiga oo waqtigiisii muddo-dhaafay.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban uu soo saaray maanta Guddoomiye Muuse Biixi, kaasoo uu ku wargalinayo xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga, balse qoraalka laguma sheegin kumana caddayn Gudoomiyihu sababta keentay dib u dhiga mar kale shirka golaha dhexe iyo waqtiga kale ee loo qoondeeyay oo u muuqda in aan weli loo astayn xili la qabanayo shirka golaha dhexe ee Kulmiye.

“Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku wargalinayaa dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga in dib loo dhigay shirkii golaha dhexe, xilliga la qabanayo iyo goobta lagu qabanayana gadaal laga soo sheegi doono,” ayaa lagu yidhi war-saxaafad kooban oo kasoo baxay xafiiskiisa.

Shirka golaha dhexe ee Kulmiye ayaa hore muran uga dhashay xili khilaaf weyni u dhaxeeyay hogaanka xisbiga, wuxuuna qoraalka waqtigan ee Gudoomiye Muuse Biixi u muuqdaa mid iftiiminaya inuu weli jiro khilaafkii, ama uu dib usoo laabtay maadaama aanay ku cadayn qoraalka xiliga la qabanayo shirka iyo sababta dib loogu dhigay.

Shirka golaha dhexe ee Kulmiye ayaa hore loogu asteeyay 5 August 2014, balse ma muuqan diyaargarawgiisu, isla markaana ma jirin meel lagu hadalhayay ka hor intii aan maanta oo ay ku beegnayd lagu war helin qoraalka Gudoomiyaha ee lagu shaaciyay in dib loo dhigay xili aan la cayimin. sidaa awgeed waxa muuqata inuu jiro khilaaf horeba usoo noqonayay oo soo taxnaa tan iyo markii shirweynaha Xisbiga qorshihiisa iyo qabashadiisa la waday, taas oo sababtay in sidan oo kale marar badab dib loo dhigo, isla markaana natiijadiisu sabab u noqotay khilaaf siyaasadeed oo kala qaybiya hogaanka Xisbiga oo ay   Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisu qayb ka noqdeen loolankii u dhexeeyay wasiiradda Xukuumadda iyo hogaanka Xisbiga.

info@araweelonews.com
Hargeysa Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *