Hargeysa(Araweelo News Network) Haweenay lagu magcaabi jiray Raxma Maxamuud Xaashi ayaa xalay lagu dilay Xaafadda Calaamaddaha ee Koonfurta Magaalada Hargeysa duleedka agagaarka Dukaanka Al-Khaliij. Qaar ka mid ah dadka
Xaafadda ayaa sheegay in dilka Haweenaydaa oo xalay caweyskii ka dhacay halkaa aan la qaban cidii fulisay, isla markaana aan la aqoonsan.Ciidanka Booliska ayaa goobta tegey sida ay sheegeen dadka xaafada qaarkood, waxayna xuseen in Boolisku qaaday Maydka haweenaydaa oo ahayd Hooyo Caruur haysata, taas oo dhawr xabadood lagu arkay inay sababeen dhimashadeeda. Waxaana Maydka haweenaydaa loo qaaday Cusbitaalka.