Gudoomiyaha UCID Oo Qiray In Aan Axsaab Mucaarad Ahi Ka Jirin Somaliland Xilli Doorkii Golayaashu Ka Bexeen SaaxaddaHargeysa(Araweelo News Network) Gudoomiyaha XisbigaMucaaradka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aan waqtigan Somaliland ka jirin axsaab mucaarad ah oo

abaabulan, kuwaas oo qaadan lahaa  doorkooda ah inay dawlada saxaan, ama tilmaama khaladaadkeeda.

Gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe oo xalay ka qaybgalay munaasibad  lagag hadlayay sidii wax looga qaban lahaa mushkilada tahriibta ee dhalinyaradda oo xiligan noqotay Aafo ku habsatay dalka Somaliland oo sababtay inay dhalinyaradu hablo iyo Wiilalba six ad dhaaf ah uga baxaan dalka, iyagoo dhibaatooyin  foolxun kala kulma tahriibta, isla markaana waajaha dhimasho iyo kufsi iyo jidh dil meelaha ay sii maraan.

Munaasibadaa oo xalay lagu qabtay Huteelka Amperial ee magaalada Hargeysa, wax aka qaybgalay Masuuliyiin ka tirsan  xukuumadda Somaliland, Axsaabta qaranka, golayaasha Baarlamaanka, Ururada Bulshada, Aqoonyahano iyo waalidiin.

Eng. Faysal oo hadal ka jeediyay munaasibadaa, waxa uu sheegay in markii Xisbiga Kulmiye doonayay inuu talada dalka la wareego 2010, ku baaqayay guulo iyo inuu wax badan qabanayo, isla markaana ay xiligaa Kulmiye xisbigii  UDUB, u samaysteen hal ku dheg ahaa UDUB way tegeysaaye ha tahriibin  walal. Balse maanta aan iyaga waxba loo qaadin weli oo ay tahriibtii kasii badatay sidii, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “ Ma jiro Mucaarad Urursan waqtigan oo adag oo mucaaradku wuu kala daadsanyahay, Kulmiye waxay berigii ay xukunka doonayeen ee ay mucardka ahaayeen u qaadeen UDUB oo yidhaahdeen, “Udub way tegeysaaye ha tahriibin walal”, markaa iyaga weli looma qaadin Kulmiye wuu tegeyayaaye ha tahriibin walal, sababtoo ah mucaardkayagu ma urursana oo wuu kala daadsan yahay ee hada ayaanu is abaabulaynaa oo is habaynaynaa” ayuu yidhi Gudoomiyaha UCID.

Dhinaca kale dhawaaqa Gudoomiayaha UCID, ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay dadka siyaasada xukuumadda dhaliilaa farta ku fiiqaan in aan xiligan dalka ka muuqan axsaab siyaasadeed oo mucaarad ah, kuwaas saaxada aan ka muuqan, taas oo sabab looga dhigo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo doorashooyinkii golayaasha deegaanka qorshaysay kal hore in aanu soo bixin xisbi mucaarad ah. Sidoo kalena waxa meesha ka baxay golihii wakiiladda oo noqday gole Madaxtooyadda laga maamulo oo aan gudanayn waajibkiisa dastuuriga ah, taas oo dalka u muujisay inay talada awooda koox yar u gacan gasho, kuwaas oo aanay jirin cid la xisaabtamay iyo sharci lagu xakameeyo midna.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *