Hargeysa (ANN) Haweenay Guddoomiye ku xigeenka Labaad ka ahayd ee urur-siyaasadeedka NASIYE, Marwo Farduus Siciid Dirir ayaa sheegtay inay iska casishay xilkii iyo xubinnimadii urur siyaasadeedka NASIYE maanta.Marwo Farduus Siciid Dirir oo ka mid ahayd aasaasayaashii
urur-siyaasadeedka NASIYE, waxay sidaa ku sheegtay War-saxaafadeed kooban oo ay maanta soo gaadhsiisay Warbaahinta, kaas oo aanay si cad ugu sheegin sababta ay isu casishay, ayaa nuxur ahaan u dhignaa sidan:“Waxaan maanta oo ay Taariikhdu tahay September 11, 2012, jecelahay inaan u caddeeyo dhammaan bulsho-weynta Somaliland iyo taageerayaasha urur-siyaasadeedka NASIYE, inaan iska casilay xilkii iyo xubinnimadii ururkaas labadaba. Aniga oo tixgelinaya duruufaha wakhtigan jira, ma jecli inaan iminka ka hadlo sababaha igu kellifay iyo xaaladaha soo deddejiyay is-casilaaddayda midna. Waxaan ballan-qaadayaa inaan qodobbadaas faahfaahin ka bixin doono marka ay habboonaato ee ay suurtogal u muuqato iyo amminteeda. Waxaan u mahadnaqayaa xubnihii urur-siyaasadeedka NASIYE iyo taageerayaashii aannu soo wada-shaqaynnay, tan iyo maalintii la aasaasay urur-siyaasadeedkan. Allaa Mahad leh” ayaa lagu soo gebagebeeyay War-saxaafadeedkan.
Is-casilaadda Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee ururka NASIYE ayaa ku soo beegmaysa xilli uu maalmo ka hor is-casilay Guddoomiye-ku-xigeenkii 3aad ee ururkaas, Cabdiqaaddir Maxamed Indho-Indho oo ka mid ah golaha guurtida Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com