Madaxweyne Siilaanyo Magcaabay Wasiirka warfaafinta, Wasiir Ku Xigeen, Afhayeenka Madaxtooyada Iyo xilal Kale

Muqdisho(ANN)Qaraxyo aad u culus oo talantaali ah, ayaa dhoweyd ka dhacay Hotelka Al Jazeera oo ku yaala Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho xili hoolka Hotelka ay ku shirsanaayeen  madaxweynaha cusub Xasan Sh Maxamuud iyo mas’uuliyiin Madaxweynihii laga guulaystay

 

Shariif Sh Axmed, Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Augustine Mahiga, Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Mosas Watangula,  wakiilka u qaabilsan  Midowga Afrika dalka Soomaaliya Abubakar Diara iyo xubno kale ayaa ku shirsanaa gudaha Hotelka xiliga uu dhacay qaraxu.

Mid kamid ah Qaraxyada ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay banaanka Hotelka al-Shabaab ayaa sheegtay laba qarax oo waaweyn oo ka dhacay banaanka hotelka uu deggan yahay Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.  wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ilaa inta la ogyahay 6 qof  ku dhinteen. sidoo kalena ay ku dhinteen  labadii is qarxiyay, laba askarta dowladda iyo laba AMISOM ayaa ka mid ah dadka ku dhintay qaraxyadaa.

Qaraxyada  ayaa waxa fuliyay sida la sheegay laba nin oo baabuur watay, kadibna isku dayay inay galaan hotelka. Mid ayaa isku qarxiyay hotelka hortiisa, halka ka kalena ay toogteen ciidanka ammaanka.
Xarakada al-Shabaab ayaa hadal qoraal ah oo ay ku soo qoreen boggooda Twitter waxay ku sheegeen in weerar ay ku guuleeysteen ku qaadeen hotel u dhaw garoonka diyaaradaha oo uu ka dhacayay kulan sare oo muhiim ah.Wararku waxa ay sheegayaan in xilliga qaraxu dhacay oo Madaxweynuhu la kulmayay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya iyo madax kale.
Ciidanka ammaanka ayaa la sheegayaa in ay xidheen  aagga u dhaw hotelka  Jasiira. Ma jiraan warar qaar ayaa sheegaya inaan dhibaato ah oo gaadhin Madaxweynaha.
wixii war ah kala soco shebekada Araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *