Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud (Siilaanyo) iyo xubnihii u danbeeyay ee wefdiga Somaliland ee ka qaybgelaya shirka arrimaha Somalia ee loo qorsheeyay inuu ka dhaco dalka Britain todobaadka danbe ayaa  Sabtida 18, Feb, 2012 ka dhoofaya dalka.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada Somaliland oo sheegaya safarka madaxweynaha ee beri, meelaha uu ku sii hakan doono iyo tirada rasmiga ah ee xubnaha ka noqonaya wefdiga Madaxweynaha ee loo qorsheeyay inay noqdaan xubnaha  wefdiga Somaliland ee raacaya madaxweynaha.
Hase yeeshee  warar xog ogaal u ah safarka Madaxweyne Siilaanyo ayaa u sheegay  shebekada Araweelonews  inuu Madaxweyne Siilaanyo  ka hor inta aanu u boqoolin dhinaca dalka Britain, kusii hakan doono dalalka Kenya iyo Ethiopia, iyadoo markaa ka dibna wefdiga Somaliland oo aan ilaa hada la hayn tirada rasmiga ah ee ka qaybgelay shirkaa ka raacayaan dalka Ethiopia, kuwaas oo intooda badani si habaqle ah uga baxeen dalka todobaadkii hore, iyadoo ay jiraan xubno kale oo wefdigaa ka mid ah oo iyagu mar hore u boqoolay dhinaca dalka Djibouti, kuwaas oo iyaguna la filayo inay maalmaha soo socda wefdiga Madaxweynaha  Somaliland kaga biiraan dalka Ethiopia.

Wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo wacyi-gelinta Axmed Cabdi Xaabsade,  oo hogaaminaya  kooxdii ugu badnayd ee mar ka wada baxda dalka, isla markaana u boqoolay dalka Ethiopia si ay halkaa ugu sugaan Madaxweynaha Somaliland ayaa todobaadkii hore ka talaabay xadka Magaalada  Wajaale, waxaana  xubno ka ahaa kooxdaa  Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE , Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha xisbiga UCID . Faysal Cali Waraabe, Ku simaha Guddoomiyaha ahna,  Guddoomiye Ku xigeenka UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, Gudoomiye xigeenka labaad ee Guurtida Siciid Jaamac Cali (Siciid Tima weyne), xubno kale oo ah Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiiladda, kuwaas  oo kala ah,  Xildhibaan Xaaji Cabdikariim  Xuseen(Cabdi-waraabe) oo ka tirsan Golaha Guurtida, Xildhibaaan Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ka tirsan Golaha Guurtida, xildhibaan Siciid C/llaahi Yaasir oo guurtida ah, Mahdi Xuseen  Cadare  Xildhibaan iyo Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ka tirsan Golaha Wakiilada. Laakiin waxa jira warar kale oo sheegaya inay jiraan xildhibaano  iyo  shaqsiyaad kale oo iyaguna doonaya inay ka mid noqdaan wefdiga madaxweynaha oo dalka Ethiopia u boqoolay, kuwaas oo aan qayb ka ahayn kooxda wasiirada iyo masuuliyiinta sadexda xisbi iyo Baarlamaanka.
Sida ay sheegayaan xoggo shebekada wararka Araweelonews ka heshay socdaalka xubnaha wefdiga ee sida habaqlaha u galay dalka Ethiopia. Ayaa sababay inay  Dawlada Ethiopia ka dalbato xukuumadda Somaliland inay u  gudbiso liiska rasmiga ah ee tirada dadka wefdiga Madaxweynaha Somaliland raacaya ee hawlahooda kasii dhamaysnaya Addis –ababa,  si loo sugo nidaamka iyo amaanka, balse xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hada soo saarin shaacin liiska magacyada iyo tirada wefdiga Madaxweyne Siilaanyo u raacaya dalka Britain oo aan ilaa hada si dhab ah loo ogayn, taas oo u muuqata inuu jiro is dhexyaac  iyo habqan kala daadsanaan la xidhiidha diyaargarawga safarkaa Madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaanimayo oo noqonaya wefdigii ugu cuslayd ee labaatankii sanandood ee ay jirtay Somaliland ka qaybgala shir caalamiya oo aan noociisa hore loogu qaban mushkilada Somalia, iyadoo dhinaca kalena wefdigani noqonayaan kii ugu cuslaa, ama ugu miisaanka weynahaa ee Somaliland u dirto dal kale.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *