shan xildhibaan waxa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro), Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane C/Casiis Maxamed Samaale , Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Sharci dejinta Somaliland,Shaqaale hoosaadka golaha Wakiilada iyo Xubno ka socday dallada ay ku bahoobeen ururadda haweenka ee NAGAAD.
Madaxa Weftigan ka socda Baarlamanka Djibouti Xildhibaan Caasha Maxamud Rooble oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ugu waramaysay warbaahinta ayaa ujeedada socdaalkooda ku tilmaantay xidhiidh isbarasho oo dhex mara labada baarlamaan ee Somaliland iyo Djibouti. Iyadoo xustay in labada dal ee Somaliland iyo Djibouti uu ka dhexeeyo Xidhiidh Walaaltinimo iyo mid darisnimo.
Xildhibaan Caasha Maxamud Rooble waxay sheegtay inay tahay markii u horaysay ee haween ka tirsan Baarlamanka dalkaasi ay booqasho ku yimaadaan Somaliland, isla markaana ay kulan la yeelan doonaan Haweenka ka tirsan Golayaasha sharci dejinta Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilada kana wada hadli doonaan arrimo badan oo taabanaya nolosha haweenka.
Xildhibaan Caasha waxay sheegtay in loo baahan yahay in la iska kaashado wax ka qabashada dhibaatada gudniinka fircooniga ah,waxaanay intaas ku dartay inay ku faraxsan tahay inay markii u horaysay booqasho ku yimaadaan Somaliland.
Dhinaca kale Xildhibaan Baar Siciid oo ka tirsan golaha Wakiilada iyo Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa sheegay inay Shantan haween ee ka tsocda Baarlamaanka dalka Djibouti ay ku soo dhawaynayaan Somaliland oo ah dalkoodii labaad.
Waxayna xuseen in natiijada booqashadan ay u arkaan mid sii kobcinaysa xidhiidhka wax wada qabsi ee u dhexeeya labada wadan iyo gaar ahaan labada gole Baarlamaan, iyadoo xustay inay tahay markii koowaad ee haween ka tirsan Baarlamanka Jamhuuriyada Djibouti ay Socdaal ku yimaadaan.
Haweenka ka socda Baarlamaanka Djibouti ayaa mudo afar maalmood ah booqasho ku joogi doona dalka Somaliland, iyagoo kulamo la yeelanaya haweenka dhigooda ah ee Baarlamaanka Somaliland iyo Ururada ay ku bahoobeen Haweenka Somaliland kuwa ugu waaweyn.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1