Hargeysa(ANN) Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye Garyaqaan Jaamac Maxamed Shabeel ayaa soo saaray shalay qoraal lagu shaaciyay magacyada gudi qabanqaabo oo diyaarinay shirkii golaha dhexe ee xisbigaa, kaas oo haatan la mudeeyay, isla markaana loo

 

magcaabay  gudi ka kooban 11 xubnood, kuwaas oo isugu jira xubno ka tirsan golaha wasiiradda, saraakiil ka tirsan Hay’addaha kale ee sharci dejinta iyo dawladda.
Hase yeeshee Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi ayaa ganafka ku dhiftay magcaabida gudidaa oo uu sheegay in aanay ahayn mid sharci ah, isla markaana aanay waxba kala socon hogaanka xisbigu, isagoo si adag uga dhawaajiyay in aanay waxba ka jirin gudidaa oo uu ku sifeeyay mid gudoomiyaha golaha dhexe oo keliya ku kooban oo aan cidna la ogayn.
Gudoomiyaha Gudida cusub ee loo magcaabay qaban-qaabada shirka golaha dhexe ee Kulmiye Axmed Muxu’ed Madar ayaa ku dooday in gudidu tahay mid sharci ah, isla markaana ay hawsha qaban-qaabada shirka golaha dhexe ee xisbiga diyaarinayaan.
Dhawaaqyada is khilaafsan ee kasoo baxay gudoomiyaha xisbiga Muj. Muuse Biixi, gudoomiyaha golaha dhexe ee gudida magcaabay iyo gudoomiyaha gudadaa ayaa daah furay khilaaf xoogan oo waqtigan ka aloosan hogaanka xisbiga iyo masuuliyiinta sare ee Xisbiga, kuwaas oo murankoodu si cad usoo dhaac baxay. Maalin ka dib markii gudoomiyaha golaha dhexe magcaabay  gudida qaban-qaabada shirka golaha dhexe.
Sidoo  kalena Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye ee talada haya  Keyse Xasan Cige oo safar dalka kaga maqan ayaa si kulul u daadefeeyay magcaabista gudidaa oo uu ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, isla markaana aan waafaqsanayn xeerka xisbiga, wuxuuna qoraal uu saxaafada ugu talo galay ku yidhi xoghayuhu sidan;-  ““Waxaa dhawaan Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iclaamiyey, saxaaafaddana  ku sheegey inuu qabanayo Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye bisha Juun 6-da. ee sannadkan.
Haddaba waxaanu halkan ku cadddeynayaa inaan goaanka Guddoomiyuhu uu yahay mid aan kasoo bixin Hogaanka Xisbiga Kulmiye,  balse uu yahay mid isaga u gaara oo aan cid kale la ogeyn.

Waxaa kaloo aanu halkan ku caddeynaynaa in qabashada Shirarweynaha Xisbiga, kan Golaha Dhexe,  ama kan Guddiga Fulinta uu leeyahay qaab iyo hab loo raaco oo ku salaysan dastuurka iyo Xeererka  Xisbiga, kaas oo leh hab loo raaco. Marka hore ajandaha shirarka waxaa ka wada hadla Guddiga Fulinta ee Xisbiga, waxaana soo diyaariya Xoghayaha Guud ee Xisbiga. kadibna waxaa laga iclaamiyaa warbaahinta goorta la qabanayo iyadoo la dhowrayo inuu tiradii, Kooramku) la rabay la helayo.
Dhinaca kale marka la qabanayo Shirweynaha Xisbiga waxaa awood u leh inuu magacaabo Guddiga Qabanqaabada Guddoomiyaha Xisbiga,  isagoo ka ansixinaya xubnaha Guddiga Fulinta. Waxaa kaloo muhiima in la ogaado inu xilka Guddoomiyaha Golaha Dhexe uu ku kooban furida iyo xidhiga Shirka, hagida fadhiyada, socodsiinta shirka iyo dejinta khilaafaadka ka dhasha muddada ay shirarku soconayaan.
Waxaa kaloo aanu halkan ku caddeynaynaa inaanu Guddoomiyaha Golaha Dhexe aanu xubin ka aheyn Guddiga Fulinta ee Xisbiga oo ka kooban 35 xubnood, haseyeeshee uu xubin ka yahay Golaha Dhexe ee Xisbiga.

Sidaasi daraadeed ayaanu awood u laheyn inuu gaadho goaan kaligii iyadoo aanay ogeyn Hogaanka iyo Gudddiga Fulinta ee Xisbiga oo uu Guddoomiyaha Xisbiga madax ka yahay.

Haddaba waxaanu warsaxaafadeedkan ku caddeynayaa in tallaabada uu qaaday Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga ay tahay mid kaligii u gaara, awoodna aanu u  laheyn inuu kaligii go,aan ka gaadho qabashada Shirka Golaha Dhexe,  iyadoo aanu wadatashi iyo kalsooni  ka haysanin Guddiga Fulinta ee Xisbiga.

Hoggaanka Xisbiga wuxuu hadda ku hawllan yahay sidii loo qaban lahaa shirka Guddiga Fulinta ee Xisbiga, waxaana ilaa hadda la qabtay seddex kulan oo loogu gogol xaadhayo qabashada shirka Golaha Dhexe,  iyadoo hawlgelintiisa  ay ka wada socdaan Hogaanka Xisbiga iyo Xukuumadu.” Ayaa lagu yidhi qoraalka Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Keyse Xasan Cige.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *