Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mr. Cabdi Siciid Faahiye iyo Maareeyaha Guud ee shirkadda wadaniga ah ee Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay dib-u-dhis iyo dayactir shirkadda Dahabshiil ku samaynayso garoonka kubadda

 

cagta ee Hargeysa Stadium oo hore ay u ballanqaaday, kaas oo dayac fara badani ku habsaday.
Xaflad maanta lagu qabtay badhtamaha garoonka oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha iyo shirkadda Dahabshiil, xildhibaanno iyo shirkadda la siiyey qandaraaska dhismaha, waxa lagu dhagax-dhigay dayactir ballaadhan oo lagu samaynaynayo garoonka oo waxyeelo badani ku dhacday, kaas oo lacag badani ku bixi doonto.
Maareeyaha guud ee Shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa sheegay in fikrada dib-u-dhiska iyo dayactirka garoonku iyaga ka yimi, kadib markii ay arkeen waxyeelada gaadhay.
“Ciyaartu inaga ayey muhiim inoo tahay, waan jecelahay dhallinyaradeenu inay garoonadeena ku ciyaaraan halka ay telefishanada ka daawanayaan kubad lagu ciyaarayo dal kale oo fog, laakiin waxa khasab ah in garoon fiican la helo, shirkad ahaana sababta aannu u caawinaynaa waa muhiimadda aannu u aragnay garoonku inuu ka mid yahay horumarka dalka, haddii dhallinyaradu aanay helin meel ay ku ciyaaraan waxa laga yaabaa inay tahriibaan, magaalooyinkeena waaweyn ee Hargeysa ka mid tahay xaafadaha qaar meel carruurtu ku ciyaartaaba ma jirto,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid.
Maareeyaha Dahabshiil waxa uu ku baaqay in dayactirka garoonka kadib la ilaashado garoonka, waxaannu yidhi, “Shirkad ahaan Dahabshiil mar walba wixii ummadda dan u ah ayaa dan noo ah, waana noo guul in wixii ummadda wax u soo kordhiya aannu ka qaybqaadano. Waxa muhiim ah in garoonka la ilaashado xag dawladeed iyo dhinac shacaba la iska kaashado ilaalintiisa oo aanay maalgelinta aynu gelinay aanay noqon mid khasaartay.”
Xidhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ahaa masuuliyiinta dhagax-dhigga ka hadashay, ayaa waxtar wayn ku sheegay dib-u-dhiska garoonka Hargeysa Stadium, isagoo shirkadda Dahabshiil ku tilmaamay inay tahay ta ugu horreysa ka qaybqaadashada arrimaha bulshada, waxaannu Ilaahay ka baryey inuu maalka u barakeeyo shirkadda.
Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane ayaa isaguna si weyn ugu mahadnaqay shirkadda Dahabshiil oo uu xusay inay arrin kasta oo horumarka bulshada ah gacan ka gaysato.
Md. Miigane waxa uu sheegay in ciyaaruhu muhiim ah u yihiin jidhka bini’aadamka, sidaa daraadeedna waxa uu kula dardaarmay dhallinyarada inay xoojiyaan ciyaaraha dalka.
Gebogabadii Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Md. Cabdi Siciid, ayaa u mahadnaqay shirkadda Dahabshiil, waxaannu sheegay in haddii la isku tashado oo ganacsatada dalku mid waliba wax bixiyo la samayn kari lahaa in garoonka Hargeysa Stadium gebigiisaba la beddelo.
Wasiirku waxa uu codsi u soo jeediyey shirkadaha iyo ganacsatada kale ee dalka, waxaannu yidhi; “Waxaan ka codsanayaa shirkadaha kale ee dalka ka jira inay ku daydaan Dahabshiil oo adeegyada loo qabanayo bulshadu way badan yihiine ka qaybqaataan, waa dariiq iyo horseed fiican oo Dahabshiil samaysay oo dalka iyo dadkaba u dan ah. Dawladda hoose ee Hargeysana waxaan leeyahay waxa looga fadhiyaa inay iyaguna qaybtooda ka qaataan oo marka la dhammeeyo laydhka, biyaha iyo wixii kale ee ay karaan geliyaan.”
Waxa kale oo iyaguna xafladaas hadalo ka jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ciyaaraha Mustafe Qodax iyo Rashiid Cismaan (Rashiid-lugay) oo ka mid ah saraakiisha Wasaaradda iyo Mr. Maxamed Cabdi oo ah Injineerka shirkadda Habboon Construction oo dhismaha fulinaysa, waxaanay ammaan iyo ducaba u jeediyeen shirkadda Dahabshiil.
Dhinaca kale dhagax-dhiga dhismaha garoonka Hargeysa Stadium ayaa fursad dahabi ah u noqotay Nin jilicsan oo mudo dheer ku noolaa halkaa.  kadib kii Gudoomiyaha Shirkadda iyo  masuuliyiintii kale ee weheliyay  booqdeen Nin naafo ah muddo 22 sanno ah oo goob xashiishka lagu qubo oo aan ka fogay garoonka kubadda cagta ku noolaa, balse hadda shirkadda Dahabshiil u dhisayso guri daar ah, waxaannu Maareeyaha Dahashiil Cabdirashiid Maxamed Siciid oo la fadhiistay ninkaasi ka waraystay xaaladda uu ku sugan yahay, isagoo u ballanqaaday in wax kasta oo uu awoodo la garabtaagan yahay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *