Daahir Rayaale wuxuu meel kaga dhacay Diinta Islaamka, markuu  u  badheedhay…” Musharaxa madaxweynaha Faysal Cali waraabe 

 Hargeysa:(ANN)- Musharaxa jagada madaxweynaha ugu tartamaya xisbiga  UCID, isla markaana ah  Gudoomiyaha xisbigaa  Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa cadhooday

 

 

 

 hadalo ay ku dureen maalmihii lasoo dhaafay musharaxa xibiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin oo ah madaxweynaha xilka sii haya ee maalmaha yari u hadheen  iyo  mid ka mid ah xukuumadiisa kuwa ugu dhow dhow oo  lagu magcaabo Xasan Macalin. Weedhaha uu sida kulul uga cadhooday Musharaxa Madaxweynaha ee UCID , waxay ahaayeen kuwo Mr. Rayaale iyo wasiirka Madaxtooyadu ku dureen xisbiga UCID, iyagoo  ku tilmaamay  inaanay dhab ka ahayn  hadalkii uu dhowaan ka sheegay magaalada Burco ee ahaa  inuu shaceecada Islaamka dalka ku xukumayo haddii xisbigiisu talada dalka ku guulaysto.

Eng. Faysal  oo ka hadlayay xaflad shalay xisbigiisu ku qabtay magaalada Hargeysa  wuxuu ku sifeeyay Daahir Rayaale iyo kooxdiisa UDUB inay aaminsan yihiin khuraafaad, faal iyo shuqul shaydaan oo ay dalka ku maamulaan, isagoo tusaale  usoo qaatay booqashadii ugu danbaysay ee kaanbeynka Rayaale iyo Awr uu ku qalay sida uu sheegay Baligubadle  oo kala duwanaan, wuxuuna isagoo ka jawaabaya weedhaha Rayaale iyo Xasan Macalin yidhi “Madaxweyne Rayaale iyo Wasiirka Madaxtooyada Xasan Macalin oo awal wadaad ahaan jiray, balse imika kutub-xooray, ayaa yidhi ‘Xisbiga UCID ka dhab maaha inay shareecadda waddanka ku dhaqayaan ee waa ka Afka.’ Beni’aadamku waxa uu ku moodayaa haddii uu beenaale yahay inaad adiguna beenaale tahay, haddii uu tuug yahay in dadku wada tuug yihiin.”

Gudoomiyaha xisbiga UCID, isagoo  sharaxaya barnaamijka xisbigiisa aasaaska u ah  iyo xukunka shareecada Islaamka  waxa uu yidhi “Anagu UCID ahaan shanta qodob ee aanu ku tiirsan-nahay ee 1992-kii aanu ku tashan-nay waxaa ka mid ah; 1- Inaan Somaliland dib loogu darin dal kale, oo Somaliland noqoto waddan xor ah oo madax-bannaan, waa ta naloogu bixiyey inaanu xad-jir ku nahay gooni isu taaga Somaliland, waana aanu ku faanaynaa taas. 2- in Kitaabka Ilaahay iyo sunnaha Rasuulka [NNKH] in dalka lagu xukumo. 3- In Somaliland laga hirgeliyo maamul furfuran oo aan Hargeysa ku soo uruurin waa sida ay imikaa tahaye, Tuulo kasta-na. 4- In dadka danyarta ah ee aan is-bixin karayn in dawladu xilkooda qaado. 5- In siyaasiyiintii hore la Packing-gareeyo [la fadhiisiyo] oo la soo saaro siyaasiyiin imaan-qabta oo Qabiil ka saraysa.”

Eng.  Faysal Cali Waraabe isagoo ka hadlaya sida ay culimada Somaliland u aragtay hadalkiisa uu yidhi “Waxaan u sheegayaa Madaxweynaha, Xasan Macalin iyo Asxaabtooda in Culimada reer Somaliland gaar ahaan tobanka culimo ee ugu sareeya in markii ay codkayaga maqleen inay soo qaadeen buugayagii Siyaasada, oo ay isku eegeen waxa aanu nidhi inuu ku qoran yahay iyo in kale, dabeetana ay ka heleen, oo ay sidaas nagu rumaysteen, ayaan idinku bushaaraynayaa.”

sidoo kale mar uu ka hadlayay dhaqanka  iyo waxyaabaha ay aaminsan yihiin Musharaxa UDUB Daahir Rayaale Kaahin iyo saaxiibadii waxa uu  yidhi “Anagu marka aanu Gobolada tagno diinta ayaanu ku furnaa. Madaxweyne Rayaale-na markii Balli-gubadle tegay Awr cas iyo Awr Madaw ayuu ku qalay, annagu garan mayno meel uu ka keenay labadaas Awr, laakiin annagu Kitaabka ilaahay iyo Sunnaha Rasuulka ayaanu gaynay, oo aanu annagu aaminsan-nahay, balse ma aaminsanin camal-shaydaanka iyo waxa ay shayaadiintu caabudo. Waddadaas ka bax iyo taas ha marin ma aaminsanin. Magaalooyinka waa weyn ka war-wageeg oo Tuulooyinka u hoyo ma aaminsamin. Waxa aanu aamin-sanahay dalka Somaliland in meel kasta la aamino. Waxa weeyaan, annagu waxa aanu nahay dad iimaankoodu xoogan yahay.”

Waxa uu iftiimiyey in 1960-kii ay Somaliland kol-ba wax ka soo qaldamayeen, “Walaaloyaal waxa aynu shareecada u qaadanay si aynu u saxno waxa inaga xumaada ilaa 1960-kii, maaha inaynu saxayno sideedan sannadood ee ilaa 1960-kii waynu ambanaynay oo kolka wax-baa inaga dhacayay, oo dalkeenu wuu sii fool xumaanayay, oo waa tii markii dambe-na la ha waystay [la doonay] in la ina xasuuqo, oo dalka la inga qaado, oo la inoo qixiyey Dulcad iyo meelo kale. Waxaas oo dhan waxa aynu doonaynaa inaynu saxno, maxaynu ku saxaynaa? Waxa aynu ku saxaynaa Kelimatul-culyaa ‘Laa’ilaha Illalaahu Muxamadu Rasuululaahi’ inaynu qabsano, oo shareecada Islaamka dalkan lagu xukumo, ayaanu doonaynaa insha’alaahu tacaalaa. Taasina waa naga go’aan, oo idinkana waanu idin xujaynay, haddii aanu ka baxnana annaga ayaa xujaysan. Laakiin idinka xagiina ayay maanta Kubadu taalaa.”

wuxuuna intaa ku daray baahida loo qabo isbedel, isla markaana, wuxuu isagoo  tilmaamaya Isbedelka loo baahan yahay nooca uu yahay, yidhi  “Maxaynu u baahan-nahay inaynu dalkeena ka qabano? Waxa aynu u baahan-nahay inaynu isbedelka ka samayno oo aan ahayn isku bedel. Maaha Cali..Cilmi ku bedel, Xuseen.. Cabdi ku bedel. Dalkan inaanu bedelno ayaanu doonaynaa, Maxaynu ku bedelaynaa? Waxa aanu ku bedelaynaa nidaam ayaanu samaynaynaa. maanta wax niydaam la yidhaahdaa ma jiro, oo waad aragteen Askarigu Askariga kama amar qaato oo ma kala daro sareeyaan. Wasaaradaha waad aragteen waa Agaasime iyo shan Wasiir ayaa fadhiya oo Wasaaradi ma dhisna. Hay’adaha dawlada ayaanu dhisaynaa hadii ilaahay ka dhigo, oo haykalka dawladeed ayaanu adkaynaynaa oo dad aqoon leh ayaanu u dhiibaynaa. Qof dambe oo xafiis dhex meeraysanayaa ma jirayo oo gacan la hoos dhiganaya.”

 

 Sidoo kale waxa  uu iftiimiyey in xisbigoodu  dhibaatooyin badan oo nololeed oo waddanka ka jira wax badan ka qaban doonaan, isla markaana ay isbedel weyn ku samayn doonaan hannaanka waxbarashada ee waddanka.

Eng. Faysal wuxuu ku sifeeyay  Musharaxa UDUB  Daahir Rayaale inuu meel-kaga dhacay diinta Islaamka, ka dib markii. Sida  uu sheegay u badheedhay inaanu been ka sheegayno shareecada,  isagoo yidhi, :wuxuu Daahir Rayaale meel kaga dhacay Diinta Islaamka, markii uu u badheedhay inaanu been ka sheegayno shareecada, hadduu isagu Beenaale yahay annaga waa naga dhab in aanu Kitaabka Illaahay dalka ku xukumayno”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *