Hargeysa(ANN)Guddi hoosaadka Arrimaha gudaha iyo difaaca ee Aqalka  Wakiilada Somaliland ayaa maanta golahaa  horgeeyay wax ka bedelka xeerka ururada  siyaasada ee  lifaaqa soo jeedinta furashada ururada siyaasada. Fadhigaa  Golaha Wakiilada oo ku qabsoomay hoolka fadhiyada ee

 

dhismaha Baarlamaanka Somaliland waxa  Guddoominayay
Gudoomiyaha C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa Mudaneyaasha loo qeybiyay soo jeedinta Gudida arrimaha gudaha iyo xeerka doorashooyinka.
Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Gudaha iyo difaaca ee Golaha Wakiilada Siciid Cilmi Rooble, oo ka hadlay fadhigaasi ayaa tafaasiil ka bixiyay soo jeedinta lifaaqa furashada ururada siyaasadda.
Guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay waxyaabaha ay isbedelka ku sameeyeen waxaanu tilmaamay inay ka mid yihiin deebaajiga oo ay hoos u dhigeen.
“Dhalinyarada ayaan ka farxinayaaye’e waxa xeerka doorashada ku yaalay in Goleyaasha lagu geli karo 36 jir, waxaanu markaa ku bedelay in  dhalinyarada ka qalin jabiyay jaamacadduhu ay hoggaamin karaan xisbiyada, anagoo guddi ahaan da’dii  kusoo ururinay 30 jir,”ayuu yidhi Md. Siciid Cilmi Rooble.
Sidoo kale Guddooniyaha Guddida  golaha wakiiladu u xilsaaray inay soo naaqishaan lifaaqa wax ka bedelka xeerka Ururada iyo soo jeedinta Madaxweynaha ayaa  ka hadlayay deebaajiga laga doonayo ururada siyaasadda, isagoo  yidhi “Waxa jiray deebaaji ku qornaa lifaaqa madaxweynaha oo la yidhi halaga qaado ururada cusub ee la furayo deebaajigaasi oo ahaa $25000 kun oo Dollar, Arrintaa Guddi ahaan aad ayaanu uga doodnay waxaana ka dhignay $ 20,000 kun oo Dollar. Waxaan qabaa haddii dadku wax wada yeesho in lacagtaasi shilin shilin loo bixin karo.” Ayuu yidhi gudoomiyaha gudidaa Siciid Cilmi Rooble.
Mar uu ka hadlayay dadka marxaladaha abaabulka ururada siyaasada ka faa’idaysta, isla markaana qaab ganacsi iyo macaash dilaalnimo u furta urur aan hadaf siyaasadeed oo fog lahayn, waxa uu yidhi,   “Waxa jira niman Wasiirro doon ah oo inta ay ururo iska furtaan,hadhowna ku baayactama,waxaanu imika meesha ka saaray dilaalistii,”ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.
Guddida arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiiladu waxay soo jeediyeen in la sameeyo guddidii diiwaan gelinta ururada cusub, waxaanay sheegeen in Guddidaasi oo ka kooban 7 xubnood oo 3 ka mid ah Madaxweynuhu soo xulayo, halka 2 xubnoodna ay soo xulayaan wakiiladdu, laba xubnood ee kalena waxa soo xulaya Guurtida.
Guddida arrimaha Guduhu waxay soo jeediyeen in ururada siyaasada la furo 10-kii sanadoodba hal mar si xisbiyadu u kobcaan, taas oo qayb ka ah tala bixintooda gaolaha la hor geeyay maanta. Waxaana la filayaa in soo jeedintaa gudida goluhu u codeeyo inay sidaa ugu gudbiyaan lifaaqa wax ka bedelka xeerka ururada siyaasada iyo xisbiyada ee L/r 14/2000 golaha guurtida iyo inay dood ka yeeshaan mudanayaasha wakiiladu, ama ay qodobada soo jeedinta ee wax ka bedelka lagu sameeyay mid mid loogu codeeyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *