Laascaanood(ANN)Gudida Diiwaangelinta Ururada iyo ansixinta Axsaabta oo todobaadkii hore u kala baxay deegaamada galbeedka iyo bariga Somaliland, ayaa sheegay inay weli ku jiraan kormeerkooda xafiisyada Ururada Somaliland iska diiwaan geliyay dhowaan oo gaadhaya 15 Urur siyaasadeed.

Hase yeesshee kooxda Wefdiga dhinaca Bariga Somaliland  ee ka socda  Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa maanta kormeer kusoo maray Xafiisyada kala duwan ee Ururada Siyaasada ee ka furan Magaalada Laas caanood ee Xarunta Gobolka Sool, kuwaas oo ka dhawaajiyay tirada Ururada xafiisyo ka furtay gobolkaa ilaa hada.
Afhayeenka Gudida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin), oo hogaaniyay Wefdigaa oo ka kooban afar xubnood ayaa sheegay inay  soo kormeereen xafiisyada ururada siyaasada ee sida rasmiga ah hawlahooda shaqo u socdeen,  kuwaas oo sida uu sheegay kala ah Xafiiska Urur Siyaasadeedka Wadani, Nasiye, Jamhuuriga,Xaqsoor,Udhis, Rays, iyo Damal.
Afhayeenka Gudida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Xisbiyada oo hadal kooban warbaahinta u jeediyay ayaa u mahad celiyay Sideeda Urur Siyaasadeed ee xafiisyada ka furtay gobolka Sool.
Xasan Macalin waxa uu sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan inay kala hufaan ururadda siyaasadda ee cusub si loogu diyaar-garoobo doorashadda Goleyaasha deegaanka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *