Hargeysa(ANN)Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland Gen. Ismaaciil Maxamed Shaqale, ayaa ka hadlay munaasibad tababar lix bilood ah loogu soo xidhay guutadii u horaysay ee ciidanka Qaranka Somaliland oo si gaara u qaata tababrka Kamaandownimada, kuwaas oo dhamaystay

 

dugsiga  tababarada ciidamada Danab ee Dararwayne, isla markaana la baray xeelado badan oo ku saabsan noocyada kala duwan ee dagaalka sida  dagaalka Buuralayda, qaabka xadhkaha loo isticmaalo marka webiyada laga gudbayo iyo sida loo qarxiyo meelaha cadowgu ku jiro.
Gen. Shaqale ayaa  ka waramay faa’iidada uu tababarku u leeyahay ciidamada qaranka, isaga oo xusay in ciidamadani u jeedada ugu muhiimsan ee loo tababaray ay tahay sidii ay u difaaci lahaayeen qarankooda  Somaliland. “Waxaad soo dhamaysateen tababarkii danab, waxase jirta tababarku in aanu dhamaanin maah maah baa jirta ciidan oo la yidhaahdo dhididka tabaabrka kaaga dhacaa wuxuu hooriyaa dhiiga maalinta dagaalka kaa dhici lahaa, hadaad tababar qabto waad gaban kartaa, waad gal-galan kartaa, xabad waad ka dhuuman kartaa, haddii aanad tababar qabin banaanka ayuun baad soo jiibsan oo xabadu dhafoorka ayay kaaga dhacaysaa, waxa la idiin soo tababaray oo danab la idiin geeyey ee tababarkaa adag la idiin soo mariyay u jeedadiisu waa difaaca qarankeena Somaliland ee aynu jecelnahay.” Ayuu yidhi Gen. shaqale.
Gen. Shaqale waxa uu sheegay in beryahan danbe ay jireen kooxo nabad diid ah iyo kuwo argagixiso ah oo ku soo gardaroonayay ciidamada qaranka Somaliland cutubkan sida gaar ka ah loo soo tababaray ee kamaandawsta ah la doonayo in ay noqdaan kuwa u quus goyn doona kooxahaasi ku soo gardaroonaya Somaliland, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Beryahan danbe waxaa jira oo idinkuba aad ogtihiin gardarooyin inagaga imanaya nabad diidka iyo argagixiso, waxaan filayaa oo aan ku rejo waynahay ciidamada casharka u dhigi doona in aad ka mid noqon doontaan, waxaan rejaynayaa macalimiin badani in ay idinka soo baxdo oo qaarkiin noqdaan kuwa dugsiga Danab ka soo saareen maadaama aad tihiin cutubyadii koowaad in aad noqotaan saldhiga dugsiga Danab tababarka ragga macalimiinta u noqon doona.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “wixii qalab ciidan ah, gaadiid iyo war isgaadhsiin waa la idin siinayaa si aad bada uga soo cabtaan, waxaan Illaahay ka rejaynayaa ciidamada qaranka Jamhuuriyada Somaliland, waxaan u malaynayaa macalimiintu tusaale wanaagsan in ay idiin soo siiyeen saraakiil iyo askarba in aad ku dayataan ayaa loo baahanyahay, raggii macalimiinta idiin ahaa.”
Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland ayaa u soo jeediyay taliska iyo macalimiinta dugsiga tababarka ciidanka ee Dararwayne in tababarada danbe muddadooda lagu soo koobi doono laba bilood halka uu markii hore ka ahaa lix bilood “Taliska dugsiga iyo macalimiintaba waxaan farayaa tababaradan kuwii ka horeeyay oo kale ma aha, waa degdeg, lixda bilood halkii laga qaadan jiray laba bilood in lagu dhameeyo ayaan ka rabaa, iyaga oo la mid ah kuwii lixda bilood lagu qaadan jiray, dugsigan Dararweyne waxaan u rejaynayaa in uu noqdo ka ugu fiican dugsiyada ciidamada qaranka, waana dugsigii lagu tababaray guutooyinka jiidaha hore ku jira ee cadowgu ka cararo ee uu ka naxo marka uu magacooda maalo dugsigii latu tababaray weeyi, sidaas oo kale in aad idinkuna noqotaan ayaan rejayaynayaa, magacana waa la idiin soo bixin doonaa sida guutadan loogu bixiyay Gama’diid.” Ayuu yidhi Gen. Shaqale.
Hogaanka tababarada ciidanka qaranka Col. Axmed Taansaani, oo isna hadal ka jeediyay xidhitaanka tababarkaasi ayaa Faah-faahin ka bxiyay nooca tababarka ay guutadani qaateen iyo muddada ay ku jireen iyo “Ciidanka kamaandawsta waxay galeen tababar aad u adag laga bilaabo bishii 10-aad ee sanadkii hore ee 2011, wixii tababarku qalab lahaa oo dhan way qaateen, waxaanu ahaa tababar aad u adag, waxaa ka mid ahaa dagaalkii buuralayda, xadhkaha sida loo isticmaalo webiyada marka laga gudbayo, sida wax loo qarxiyo meelaha cadowgu ku jiro, wuxuu ahaa tababar aad u adag oo loogu talo galay ciidankan meelaha la mari kari waayo in la geliyo, waa ciidankii naftii hureyaasha qaranka.” Ayuu yidhi Col. Taansaani.
Col. Taansaani oo ka warbixinayay u jeedada tababarkaasi waxa uu yidhi “tababarkaa adag u jeeddiisu waxay ahayd in aad dalkiina ku difaacdaan, tababarkii waad soo dhamayseen inkasta oo aanu tababarku dhamaanin oo aan la odhan karin tababarkii halkaasi ayuu ku dhamaaday, laakiin tabaabrkii aasaasiga ahaa waad soo qaadateen, dhibaatadaasana waxaad u soo marteen in aad difaacdaan dhulkiina hooyo oo aad maanta ku soo noqoteen, markaa hawshii aad u soo gasheen ciidanka ee aad u so diyaar-garawdeen maanta la idinka doonayaa. Ciidankana meel kasta oo loo baahdo waa loo dirayaa, markaa ku talogala hawlo adag iyo tababarkii aad soo qaadateen in aad uga faa’iidaysaan kuwa idinka danbeeya.”
Col. Taansaani ayaa kula dardaarmay ciidamadaasi in waxa keliya ee uu ciidanku cadawgiisa kaga guulaysto ay kow ka tahay is maqal iyo kala danbayn sidaas darteedna loo baahan yahay in ay muujiyaan is-maqal iyo kala danbayn.
Waxaanu yidhi “Ta ugu mihiimsan ciidanka, waa ismaqal iyo kala danbayn, guusha dagaalkana waxaa lagu gaadhaa dhisbiliinka, aqoonta ayaa ku xigta, ciidan aan ismaqal lahayn, aan dhisbiliin lahayn, aan kala danbayn lahayn marna kuma guulaysto dagaal kasta haddii ay noqoto hub kasta haddii la siiyo qalab kasta, haddii la siiyo, ta koowaad waxa weeyaan ismaqal iyo kala danbayn, taasna waa la idin ka doonayaa, waana ta ugu muhiimsan, taliyeyaasha berito ayaad idinku tihiin, dadka cusub ee u soo koraya ciidanku waa idinka, idinka ayaa beri generaalo noqon doona (Ruushku wuxuu ku maahmaahi jiray askariga aan ku fikirin maalin inuu Janan noqdo askari ma’aha)Weliba waxaad nasiib u leedihiin waxaad tihiin ciidamadii u horeeyey ee kamandaws ah ayaad tihiin, waxaa idinka horeeyey qolo bada ah, idinkaa ciidamada Kamaandawsta dhismihii iyo aasaaskii ciidamada kamaandawsta markaa nasiib fiican baad u hesheen in aad noqotaan cutubkii ugu horeeyey ciidamada kamaandawsta qaranka Jamhuuriyada Somaliland, waa in aad taarikh noqotaan.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *